Skip to main content

Mustaqbalka Adeegyada Gaadiidka Dadweynaha ee Dadka Naafada ah

Metro Degmada King waxay qorshaynaysaa mustaqbalka adeega gaadiidkeeda dadweynaha naafada ah, Access Adeegga Gaadiidka. Mashruuca waxaa loo yaqaanaa “Future of Paratransit” (Mustaqbalka Adeegyada Gaadiidka Dadweynaha ee Dadka Naafada ah) wuxuuna gacan ka geysan doonaa qaabaynta adeega shanta ilaa tobanka sano ee soo socota.

Sahanka Khibrada Adeegga Gaadiidka Access

Ma tahay rakaab, daryeel bixiye ama adeeg bixiye raaca Access? Samee xog aruurinta waayo aragnimada ee Access

Xog aruurinta rakaabka | Xog aruurinta Daryeel bixiyaha | Xog aruurinta adeeg bixiyaha(Af-Ingriis keliya)

Waa maxay Adeegga Gaadiidka Access?

Metro waxay siisaa adeeg la heli karo rakaabka naafada ah oo qayb ka ah nidaamkeena gaadiidka. Dadka naafada ah ee aan awoodin inay raacaan basaska iyo tareenada caadiga ah, ee mara wado cayiman, Barnaamijka Gaadiidka Dadweynaha naafadaha ah ee Metro’s Access (Access) waxay ku shaqaysaa isku xirka shabakada baabuur oo la mid ah oo la heli karo oo ay wadaan darawalo si gaar ah loogu tababaray inay bixiyaan caawimaad dheeraad ah. Sanadkii 2023, in ka badan 12,000 oo qof ayaa loo diwaangeliyay inay isticmaalaan Access iyo ku dhawaad 8,900 qof oo naafo ah ayaa ku safray guud ahaan Degmada King. Adeegga Gaadiidka Access wuxuu ku safray in ka badan 5.5 milyan mayl, isagoo keenay ku dhawaad 750,000 oo raacmo.

Sharciga Naafada Mareykanka (Americans with Disabilities Act, ADA) wuxuu sharciyeeynayaa helitaanka gaadiidka dadweynaha dadka naafada ah. Shuruudaha lagu isticmaalo Adeegga Gaadiidka Dadweynaha Naafada ee Access ee Metro ayay dawlada dhexe sharciyeysay.

Webseedka Adeegga Gaadiidka Dadweynaha Access (Ingriisi)

Guudmarka mashruuca

Metro waxay daah-furaysaa mustaqbalka mashruuca Gaadiidka Dadkweynaha Naafada ah si ay dib u eegis ugu samayso barnaamijka gaadiidka Access — sida uu u shaqeeyo oo uu u caawiyo rakaabka inay tagaan goobaha ay u socdaan — iyada oo ujeedadu tahay qaabaynta adeega 2027 iyo wixii ka dambeeya. Metro waxay balaarinaysaa tirada iyo nooca jawaab celinta laga helay rakaabka. Waxaan ka codsan doonaa fikrad ka dhibaashada bulshada, adeeg bixiyaasha iyo dadka kale si ay u hagaan nidaamkaan.

Ujeedada

  • Bixinta adeeg raaxo leh oo si fudud u isticmaali karaan dadka naafada ah ee aan isticmaali karin gaadiidka wado cayiman aada ama adeegyada kale ee gaadiidka.
  • La jaanqaadida hadafyada Degmada King iyo Metro ee bixinta gaadiid hufan, wax ku ool ah oo waara.
  • Ka qaybgalinta isticmaalayaasha hadda iyo kuwa suurtagalka ah ee Access, kooxaha bulshada, adeeg bixiyaasha, daryeel bixiyayaasha iyo kooxaha kale ee muhiimka ah inta lagu jiro habraaca.

Hadafyada

  • Aqoonsiga habka adeega la doorbiday kaas oo hufan, wax ku ool ah, waara oo faa'iido u leh helitaanka iyo ku qanacsanaanta rakaabka.
  • Dib u eegista baahiyaha isticmaalaha iyo iskaashatada si loo horumariyo adeegyada.
  • Samaynta qorsho kala-guur iyo samaynta isbadel kasta oo la aqoonsaday.

Ka Qeybgalinta macaamiisha

Mustaqbalka Gaadiidka Dadweynaha Naafada ah wuxuu diiradda saarayaa dadka adeegsada ama la shaqeeya adeegga gaadiidka Metro Access. Tan waxaa kamid ah kuwa hadda jira iyo kuwa suurtagalka ah ee rakaabka gaadiidka dadweynaha naafadaha ah ee Access, daryeel bixiyaasha raaca Access iyo wakiillada hay'adaha siiya adeegyada/ama taageera rakaabka Access.

Faahfaahin muhiim ah

Dib u eegista iyo xulashada qaabka adeega

Metro Degmada King waxa ay dib u eegis ku samaynaysaa qaabka adeega gaadiidka dadweynaha naafada ah ee hadda, cilmi-baarista dhaqamada ugu wanagsan, samaynta habka qiimaynta iyo go'aaminta haddii qaabka hada jira — ama mid ka duwan — uu u fiican yahay rakaabka Metro iyo Metro Access

Waayo-aragnimada macaamiisha iyo tayada adeegga

Metro Degmada King ayaa dib u eegi doonta oo cusboonaysiin doonta siyaasadaha iyo habraacyada Access si loo horumariyo waayo-aragnimada rakaabka, daryeel bixiyayaasha iyo adeeg bixiyayaasha. Siyaasadaha iyo habraacyada waxaa ka mid ah waxyaabaha ay ka mid yihiin helitaanka macluumaadka adeega, teknoolajiyada ay isticmaalaan macaamiisha, hormarinada gaadiidka, kordhinta helitaanka luuqada, sii qabsashada safarka, raacitaanka, waayo-aragnimada safarka rakaabka, iyo xiriirka ka dhexeeya darawaliinta iyo macaamiisha.

Qorshaha Dejinta Mustaqbalka Gaadiidka Dadweynaha ee Dadka Naafada ah

Iyada oo ku xiran hormarinada adeega la aqoonsaday iyo xulashada qaabka adeega, Metro waxay samayn doontaa qorshe kala-guur ah oo ku samayn doontaa isbadal kasta oo lagama maarmaan ah. Macluumaad dheeraad ah ayaa la wadaagi doonaa marka uu mashruucu billoowdo.

Wakhtiga loogu talagalay mashruuca

Shaqooyinka qaarkood ayaa la dhameeyaa isku wakhti inta lagu jiro wakhtiga soo socda.

  • Jiilaalka 2023 - Dayrta 2024

    Dib u eegista qaabka adeega Access

  • Gu'ga 2024 - Xagaaga 2025

    Waayo-aragnimada macaamiisha iyo dib u eegista tayada adeegga

  • Dayrta 2025 - Jiilaalka 2029

    U gudubka qorshaha Mustaqabka ee Gaadiidka Dadweynaha Naafada ah

Ka Qeybgalinta Bulshada

Metro waxay doonaysaa inay si dhow ula shaqeyso rakaabka Access, qoysaskooda, kooxaha bulshada iyo dadka kale ee caawiya si ay u qaabeeyaan mustaqbalka Gaadiidka Dadweynaha ee Dadka Naafada ah. Waxaan isticmaalnaa habab macno leh, loo dhan yahay oo ay bulshadu hogaaminayso si aan ugu wargalino oo aan uga qaybgalino bulshada go'aaminta isbadalada ugu wanaagsan ee adeegyada Metro Access.

Mustaqbalka Gaadiidka Dadweynaha ee Dadka Naafada ah ee Metro ayaa la samayn doonaa ayadoo dib loo eegayo xogta iyo warbixinada ka qaybgalka bulshada ee dhawaan, iyo uruurinta jawaab celin cusub oo ka timid rakaabka, adeeg bixiyayaasha iyo kooxaha kale ee la xiriira iyada oo loo adeegsan xog aruurin, waraysiyo iyo kooxaha diirada.

Guddiga La-talinta Gaadiidka Dadweynaha Naafada ah ee Access

Isagoo la sameeyay 2018, Guddiga La-talinta Gaadiidka Dadweynaha Naafada ah ee Access (Access Paratransit Advisory Committee, APAC) waxaa loo sameeyay si uu u bixiyo tallo iyo talo bixinta ku saabsan adeega Gaadiidka Dadweynaha Naafada ah ee Access iyo in la aqoonsado fursadaha horumarka si joogta ah. Guddiga ayaa ka talin doona mashruuca guud waxaana lagu matali doonaa mustaqbalka Gudiga Gaadiidka Dadweynaha ee Naafada ah. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah ama si aad ugu biirto guddiga, booqo webseedka APAC.

Websaytka Gudiga La-talinta Gaadiidka Dadweynaha Naafada ah ee Access (Ingriisi)

Gudiga Adeegyada Gaadiidka Dadweynaha ee Dadka Naafada ah ee Mustaqbalka

Metro waxay samaynaysaa Gudiga Adeegyada Gaadiidka Dadweynaha ee Dadka Naafada ah ee Mustaqbalka kaas oo ka wakiil ah rakaabka Access, daryeel bixiyayaasha, adeeg bixiyayaasha iyo taageerayaasha gaadiidka ee rakaabka Access. Metro waxaa sidoo kale ay raadisaa inay si siman u matasho dadka taariikh ahaan laga tagay dhanka wada hadalada go'aan gaaritaanka arimaha la xiriira gaadiidka iyo kuwa ay inta badan saameyaan go'aamadan. Mustaqbalka gudiga Gaadiidka Dadweynaha naafada ah wuxuu bixin doonaa jawaab celin toos ah oo ku saabsan siyaasadda, nidaamka iyo cusboonaysiinta adeegga iyo sidoo kale saamaynta isbadalada qaabka adeega ee suurtogalka ah.

Webseedka Gudiga Mustaqbalka Gaadiidka Dadweynaha ee Naafada ah

Xog aruurinta Waayo-aragnimada Access

Si loo abuuro mustaqbalka qorshaha Gaadiidka Dadweynaha Naafada ah, Metro waxay u baahan tahay fikrad ka dhiibashada bulsho oo kala duwan. Ma tahay rakaab, daryeel bixiye ama adeeg bixiye raaca Access? Samee sahanka xog aruurinta waayo-aragnimada ee Access.*

Xog aruurinta Rakaabka Access

Xog aruurinta rakaabka daryeel bixiyaha ee Access

Sahanka xog aruurinta rakaabka adeeg bixiyaha ee Access (Af-Ingriis keliya)

*Fadlan ogsoonoow, sahanka waayo-aragnimada Access waa ka duwan yahayxog aruurinta macaamiisha Access ee sanadlaha ah.

Xog-aruurinta Macmiilka ee Access

Xog aruurinta Macmiilka ee Access (Access Customer Survey, ACS) waa hal hab oo ay Metro ku hubiso sanadkii macaamiisha Gaadiidka Access. Waxaan u isticmaalnaa fikrad celinta macaamiisha si aan u aqoonsano goobaha hormarinada. Jawaabaha rakaabka ee sanadkan ACS waxay sidoo kale ka caawin doontaa qaabaynta mustaqbalka qorshaha Gaadiidka Dadweynaha Naafada ah.

Inta lagu jiro sanadka — laga bilaabo Maarso 2024 ilaa Maarso 2025 — rakaabka Access waxaa laga yaabaa inay helaan kaarka lagu soo diro boostada, oo ku casuumaya inay ku dhamaystiraan sahanka xog aruurinta telefoonka. Xog aruurinta waxaa lagu heli karaa af Ingiriis, Isbaanish, Fiitnaamiis, Shiinays, Amxaari iyo Tagalog. Ma u baahan tahay caawimaad luuqad kale? Turjumaanada telefoonka ayaa la heli karaa.

Sinaanta waa muhiim

Metro ujeedadeedu waa in la sameeyo gudi oo si siman u matalaya kooxaha taariikh ahaan laga tagay dhanka wada hadalada go'aan qaadashada oo la xiriira gaadiidka oo ay si aan haboonayn u saameeyaan go'aamadan. Tan waxaa kamid ah dadka Madowga ah, Kuwa dhaladka ah, iyo dadka aan caddaanka ahayn; dadka qaba naafo jireed iyo/ama garaadka; dadka dakhligoodu hooseeyo ama aan lahayn dakhli; soo galooti iyo qaxootiga; iyo bulshooyinka luuqadaha kala duwan. Waxaan sidoo kale raadineynaa matalaad dadka waaweyn, ardayda iyo dhalinyarada, iyo dadka loo aqoonsaday inay yihiin LGBTQIA+ kooxahan dhexdooda.

Maktabada Ilaha

Hagitaanka Rakaabka Access (Ingiriis)

Hagitaanka rakaabka adeegsanaya Adeegga Gaadiidka Access

Gaadiidka Dadweynaha iyo Sharciga Naafada Mareykanka (Ingiriis)

Macluumaadka ku saabsan Sharciga Dadka Naafada ah ee Mareykanka iyo shuruudaha nidaamka gaadiidka dadweynaha

Waajibaadka Maamulka Gaadiidka Dawlada dhexe ee ku saabsan adeegyada gaadiidka dadweynaha naafada ah (Ingiriis)

Xeerarka Hay'adda Gaadiidka ee Dawlada dhexe ee amraya gaadiidka dadweynaha naafada ah iyo heerarka u qalmitaanka ee isticmaalayaasha gaadiidka dadweynaha naafada ah

expand_less