Minimum wage in unincorporated King County (Somali)
Laga bilaabo Janaayo 1, 2027, mushaharka ugu yar ee meelaha aan ka tirsanayn King County, waa $21.57 saacadii, MARKA LAGA REEBO loo-shaqeeyayaasha haysta 15 shaqaale ama in ka yar, dakhligooda guud ee sannadluhuna ka yar yahay $2 milyan: $19.57 saacaddii
- Qof kasta oo ka shaqeeya deegaannada King County ee aan hoos iman maamul magaalo waa in siyaa ugu yaraan mushaharka ugu yar.
- Unincorporated King County waxaa loola jeedaa deegaannada ka baxsan xuduudaha magaalooyinka ee hoos yimaada maamulka King County.
- Lacagaha ay macaamiishu shaqaalaha u siyaan abaalmarin ahaan, gunnooyinka, khidmadaha adeegga iyo dheefaha caafimaadka laguma daro xisaabinta mushaharka ugu yar.
- Loo-shaqeeyayaashu waa inay u hoggaansamaan sharcigan. Aargoosiga waa sharci-darro.
- Loo-shaqeeyayaashu waa inay ogeysiiska mushaharka ugu yar ee cusub ku dhejiyaan meel ay shaqaaluhu si fudud uga arki karaan.
Translate