Skip to main content

RapidRide R Line

Ma waxaad imanaysaa koonfurta Seattle

Waxaanu ka shaqaynaynaa sidii aanu u keeni lahayn RapidRide koonfurta Seattle, si ay u bixiyaan adeeg baseed wanaagsan layskuna halayn karo iyo adeegyo dheeraad ah! RapidRide R Laynku dib u cusboonaysiin bay ku samayn doonaan waddada 7-aad ee hadda waxayna u adeegi doonaan xaafadaha u dhexeeya suuqa hoose ee Seattle iyo Rainier Beach, oo ay ka mid tahay Chinatown-International District, Mount Baker, Columbia City, Hillman City, Brighton iyo Dunlap.

King County Metro iyo Seattle Waaxdeeda Gaadiidka ee (SDOT) ayaa si wadajir ah uga wada shaqaynaya qorsheynta, wacyigelinta iyo dadaalada hawgelinta ee koonfurta Seattle. Si aad wax badan uga ogaatid dhismaha loo wado Rainier Avenue S. mashruuca Laynka Baska, booqo SDOTmareegteeda.

Guudmarka mashruuca

Waddada 7-aad waxay u ahayd waddo socdaal oo joogta ah bulshooyinka koonfurta Seattle—khad nololeed kaas oo gacan ka geystay abuurista goob bulshooyin badan kuwaas oo taarikh ahaan aan si fiican loogu adeegin Sido kale waddadani waa Seattlewaddooyinka ugu mashquulka badan, waxayna u adeegtaa in ka badan 9,000 oo rakaab maalintii, beddelida RapidRide khadkeedu waa muhiim. Waxay sidoo kale ka mid noqon doontaa mustaqbalka shanta RapidRide khadeed kuwaas oo ka mid noqon doona Metro nidaamkeeda koraya ee marin joogsiga kaas oo siin doona rakaabka helida xidhiidhyo iyo adeegyo laysku halayn karo.

RapidRide R Khadkeedu waxa uu:

  • Mari doona inta u dhaxaysa suuqa hoose ee Seattle waxana uu abuuri doona marin cusub oo taga Rainier Beach Link Istaanka tareenka fudud
  • Kordhinta helitaanka marin joogsi laysku halayn karo oo joogto ah oo ku yaal koonfurta Seattle
  • Horumarinta tayada iyo fududeynta isku xidhka marin joogsi badqaba, oo ay ka mid tahay dhisme, adeegyada kale iyo tiknoolojiyad ay isticmaalaan rakaabku si ay u helaan marin joogsi

Yoolalka RapidRide R khadkeeda waxa ka mida:

  • Kordhinta helitaanka adeeg marin joogsi oo aad laysugu halayn karo oo ku yaala koonfurta Seattle
  • Horumarinta tayada iyo fududeynta isku xidhka marin joogsi badqaba oo lagu dhex lugeyn karo, leh askari jiif iyo isgoys la hagaajiyay
  • Yaraynta dib u dhacyada isgoysyada iyo goobaha ku teedsan waddada
  • Hagaajinta waayo-aragnimada guud ee rakaabka ee la xidhiidha basaska la xoojiyey, meelaha laga fuulo ee la cusboonaysiiyay, hoyada cusub iyo kuraasta, horumarinta laydhka, iyo macluumaadka wakhtiga saxda ah ee imaanshaha baska ee istaamada

Benefits of RapidRide

Buses first

In many areas, RapidRide travels in red “bus only” lanes, with special traffic lights timed for faster service.

More access

Enjoy all-door boarding. Tap your ORCA card to pay at a station or by any door inside the bus.

More often

Buses that come more often and provide consistent service.

Wada shaqaynta Bulshada

Taariikh-hore

Sannadkii 2019, Metro waxa ay la shuraakawday bulshada si ay u aqoonsato goobaha istaamada, waxa ay soo jeedisay isbeddelo lagu wanaajinayo xawaaraha baska iyo isku halaynta, iyo isbeddelada si ay ugu fududaato uguna noqoto mid amaan ah dadku inay baska fuulaan kana soo degaan.

Ka-qaybgalka bulshada waxa ka mid ahaa warbixino kooban oo la siiyey ururrada shuraakada ah, sheeko-bixinno qoraal ah oo ku qoran Amxaari, Shiinees (Shiinees fudud oo lagu akhriyay Mandarin; Shiinees dhaqameed oo lagu akhriyay Cantonese iyo Mandarin), Isbaanish, Soomaali, iyo Fiitnaamiis.

Waxa kale oo jiray laba isu-imaad oo fogaan arag ah oo si toos ah loogu tarjumi jiray Amxaari, Cantonese, Mandarin, Soomaali, Isbaanish, iyo Fiitnaamiis, iyo samaynta iyo qaybinta boodhadh luuqado badan ku qoran oo ay ku jiraan macluumaadka mashruucu.

Sannadkii 2020, dakhli-yaridii uu abuuray faafaha COVID-19 waxay qasabtay Metro inay hakiso shaqada naqshadaynta RapidRide R khadkeeda. Laga bilaabo Maarso 2020 illaa Diseembar 2020, Metro waxay onlaynka ku wadaageen macluumaadka ku saabsan qorshaha fikradda.

Wixii aanu maqalnay

Joojinta shaqada ka hor, Metro waxay ka soo ururisay jawaab celin xubnaha bulshada ee ku nool, ka shaqeeya ee ukala goosha dhamaan koonfurta Seattle. Mawduucyada soo socda ee bulshada ayaa gacan ka geystay qaabaynta RapidRide R nakhshadeeda khadka:

Badqabka iyo helitaanka

  • Wanaagsan, oo ammaan ah marka la eego gelitaanka istaamada, gaar ahaan dadka ay ka haystaan caqabaduhu socodka
  • Walaaca ku saabsan badbaadada shakhsi ahaaneed

Bulshada iyo wacyigelinta

  • RapidRide waa mid aan la aqoon
  • Si cad u sheeg sida iyo goorta ay bulshadu saamayn karto go'aamada
  • Walaacyada ku saabsan qiimaha iyo dhaqangelinta qiimaha

Adeeg la horumariyay

  • Walaaca ku saabsan adeega rakaabka koonfurta ee S. Henderson Street
  • Adeeg la isku halayn karo oo ka jira koonfurta Seattle iyo hagaajinta isku xidhka dookhyada marin joogsiyada kale
  • Bulshadu waxay qiimeysaa waddada 7aad si ay u helaan adeegyada aasaasiga ah
  • Walaacyada ku saabsan masaafada u dhaxaysa istaamada
  • Xubnaha bulshada ayaan loogu adeegin si wanaagsan waxayna mudan yihiin adeeg wanaagsan sida ugu dhakhsaha badan

Si aad wax badan uga ogaato waxa aanu maqalnay iyo habka hawlgelintayada oo faahfaahsan, warbixinadii hore waxa laga heli karaa maktabadda kheyraadka.

Sannadkii 2023, Seattle Waaxdeeda Gaadiidku waxay ku samaysay dayactir dhowr waddooyin oo ku teedsan Rainier Avenue S., oo ay ka mid yihiin soo kordhinta jidadka baska-kaliya iyo calaamadaha taraafiga oo cusub, hagaajinta dhinaca dadku maro, isgoysyada cusub ee dadku ka gudbaan, iyo cusboonaysiinta askari jiifyada u hoggaansan-ADA, taasoo qayb ka ah Waddada 7aad – mashruuca Marin Joogsiga-la Casriyeeyey ee Jidka Qaababka Kala Duwan u Dhisan (Af-Ingriis keliya).

Hannaanka iyo wakhtiga mashruuca

  • 2019 ilaa 2020

    Qorshaynta: Qorshaha fikradda

    Metro waxay la hawlgashay xubnaha bulshada, ururada ku dhisan bulshada, ganacsiyada iyo shuraakooyinka wakaaladaha si ay ula yimaadaan nashqadaha istaamada, isbeddelada lagu samaynayo baska ee ka dhigaya mid la isku halayn karo, isbeddelo si loogu fududeeyo dadka lugeynta, raacida, ama ku wareegida baska iyo isbeddelo si looga dhigo kaxaynta baska mid raaxo leh.

    Ogoow: Mashruuca ayaa la hakiyay dabayaaqadii 2020 si diiradda loo saaro badbaadada rakaabka iyo ka soo kabashada dakhliyadii lumay ee ay keentay hoos u dhaca dadka raaca, oo uu sababay dhammaantood natiijooyinkii ka dhashay faafihii COVID-19.

  • 2024

    Qorshaynta: Qorshaha fikradda

    Metro waxa ay isku diyaarinaysaa in ay dib u bilowdo mashruuca sanadka 2025, iyada oo la kaashanaysa SDOT. Waanu ka hawlgelin doonaa bulshada oo waxaan la wadaagi doona wararka cusub ee kaso kordha RapidRide R Qorshaha fikradda khadka, oo ay ku jiraan isku toosinta iyo goobaha istaamada ee la soo jeediyay, kaas oo samayn doona seeska shaqada mustaqbalka. Adeegga baska ee soo noqnoqda ee waddada 7aad ee raaca dariiqii horre u jiray wuu sii socon doonaa iilaa bilaabida khadka RapidRide R.

  • Wajiyada mashruuca mustaqbalka

    Ka-qaybgalka bulshadu way sii socon doontaa inta lagu jiro wejiyada naqshadaynta mustaqbalka, taas oo ugu dambaynta horseedi doonta dhismaha istaamo cusub, hagaajinta waddooyinka, iyo walxo kale kuwaas oo kor u qaadaya badqabka, raaxada iyo RapidRide khibrad isticmaalkeeda.

    Daahfurka KhadkaRapidRide R Adeegga R ee khadku wuxuu bilaabmi doonaa marka la dhammeeyo dhismaha.

Isdiiwaangeli si aad uhesho wararkii ugu danbeeyey (Af Ingiriis)

Dadka cusub ee isqoraaya

Hel macluumaadka iyo ogaysiisyada ugu danbeeyey ee kusaabsan munaasabadaha iyo guulaha laga gaaray mashruuca. Si aad iskaga qorto, gali macluumaadka lagaalasoo xariiraayo. (Si aad uhesho fariimaha qoraalka ah iyo iimeelka labadaba, waa inaad labo jeer isdiiwaan gelisaa.)

Dadka hadda qoran

Si aad umaarayso dookhyadaada, gali iimeelkaaga ama nambarka moobilka

expand_less