RapidRide R Line
Ma imanaysaa koonfurta Seattle
Waxaanu ka shaqaynaynaa sidii aanu u keeni lahayn RapidRide koonfurta Seattle, si ay u bixiyaan adeeg bas oo wanaagsan layskuna halayn karo iyo adeegyo dheeraad ah! RapidRide R Line dib u cusboonaysiin bay ku samayn doonaan Route 7 ee hadda waxayna u adeegi doonaan xaafadaha u dhexeeya suuqa hoose ee Downtown Seattle iyo Rainier Beach, oo ay ka mid yihiin Chinatown-International District, Mount Baker, Columbia City, Hillman City, Brighton iyo Dunlap.
King County Metro iyo Seattle Department of Transportation Seattle (SDOT, Waaxda Gaadiidka ee Seattle) ayaa si wadajir ah uga wada shaqaynaya qorsheynta, wacyigelinta iyo dadaalada hawgelinta ee koonfurta Seattle.
Guudmarka mashruuca
Metro waxay horumarinaysaa RapidRide R Line, iyadoo ku dhisaysa doorkii muddada dheeraa ee Route 7 uu u lahaa adeeg muhiim u ah bulshooyinka ku yaal koonfurta Seattle.
- R Line waxay si buuxda uga shaqeyn doontaa gudaha City of Seattle.
- Waxay bixin doontaa adeeg u dhexeeya Downtown Seattle iyo boosteejada Rainier Beach Link light rail, iyadoo hagaajinaysa helitaanka adeegga Link light rail ee gobolka oo dhan ee Puget Sound.
- Khadku wuxuu mari doonaa S Jackson Street iyo Rainier Avenue S.
- Waxay isku xiri doontaa bulshooyinka Downtown Seattle, Chinatown-International District (oo ay ku jirto Little Saigon), Mount Baker, Columbia City, Hillman City, Brighton, Dunlap, Rainier Valley, iyo Rainier Beach.
Qoraal ku saabsan Prentice Loop
RapidRide R Line waxaa la qorsheeyay inay ku dhammaato boosteejada Rainier Beach Link, waxaana Metro ay qiimeynaysaa sida adeegga gaadiidka dadweynuhu u sii wadi doono isku xirka dadka u safra kana yimaada meelaha ka xiga koonfurta S Henderson Street marka R Line ay billoowdo adeegga. Iyada oo qayb ka ah shaqadan, Metro waxay la shaqayn doontaa bulshooyinka ku yaal koonfurta S Henderson Street si ay si fiican ugu fahamto baahiyahooda dhaqdhaqaaqa ugana caawiso hagidda go'aannada mustaqbalka ee ku saabsan adeegga gaadiidka dadweynaha. Ujeeddadu waa in la hubiyo in adeegga gaadiidka dadweynuhu ahaado mid si fudud loo heli karo, la isku halayn karo, isla markaana si fudud loo fahmi karo.
Mashruuca RapidRide R Line wuxuu hagaajin doonaa waqtiga safarka ee gaadiidka dadweynaha, isku halayntiisa, iyo khibradda rakaabka.
Horumarinta lagu taliyay waxaa ka mid ah:
- Boosteejooyin iyo hoyga rakaabka oo la casriyeeyay
- Nalal la hagaajiyay iyo adeegyo dheeraad ah oo loogu talagalay rakaabka
- Waddooyinka gaarka u ah basaska
- Waxqabadyada mudnaanta gaadiidka dadweynaha
- Horumarinta calaamadaha taraafikada si loo yareeyo dib u dhacyada
- Helitaan ka ammaan badan oo dadka lugaynaya ay ku gaaraan gaadiidka dadweynaha
- Waxaan ognahay in bulshadu ay aad u qiimeyso Route 7 oo ay u isticmaasho helitaanka adeegyada muhiimka ah, laakiin waxaan aragnaa meelo u baahan horumarin. Basasku waxay inta badan isu yimaadaan koox-koox, mana aha kuwo la isku halayn karo marka loo safrayo lagana soo laabanayo shaqada, dugsiga, dukaamada raashinka, ballamaha caafimaadka, iyo meelo kale. RapidRide R Line waxay rakaabka u keeni doontaa horumar ku saabsan tayada adeegga, badqabka, iyo helitaanka adeegga.
- Metro waxay RapidRide gaarsiisaa bulshooyinka leh rakaab badan, rakaab kala duwan iyo adeegsiyo kala duwan (tusaale ahaan, adeegga deegaanka iyo u safarka shaqada), iyo isku xirnaanta noocyada kale ee gaadiidka dadweynaha.
- Dad badan ayaa isticmaala gaadiidka dadweynaha ee koonfurta Seattle waxaana marka dad badan ay u soo guuraan gobolkan loo baahan yahay in la fududeeyo isu socodka. Route 7 waa mid ka mid ah waddooyinkeena ugu mashquulka badan, waxaana maalin kasta isticmaala in ka badan 11,000 qof.
- Route 7 ayaa mar walba bixisay adeeg muhiim u ah dadka deggan koonfurta Seattle. Metro waxay doonaysaa inay taageerto adeeg ka wanaagsan oo la isku halayn karo oo loogu talagalay rakaabka Route 7 maanta isla markaana ay hubiso inuu sii wado daboolidda baahiyaha bulshadan sii koraysa.
Metro waxay hakisay shaqadii naqshadeynta ee RapidRide R Line dabayaaqadii 2020 sababo la xiriira xaddidaadaha maalgelinta ee ka dhashay COVID-19. Bishii Noofambar 2022, King County Council (Gollaha Degmada King) ayaa ansixiyay maalgelinta lagu sii wado horumarinta RapidRide R Line. Tan iyo markii qorshaynta RapidRide R Line la hakiyay sannadkii 2020, isbeddello ayaa ka dhacay hareeraha iyo agagaarka waddada la qorsheeyay, oo ay ku jiraan horumarinno cusub oo dhinaca guryaha iyo ganacsiga ah, hagaajinta waddooyinka iyo laamiyada, isgoysyo la casriyeeyay, iyo mashaariic kale oo gaadiid oo ay hoggaaminayaan City of Seattle, Sound Transit, iyo Washington State Department of Transportation.Metro waxay dib u eegtay isbadelladaan waxayna wax ka badeshay naqshadeynta si ay uga tarjumto xaaladaha hadda jira loogana fogaado ku celcelinta shaqo hore loo dhammaystiray.
RapidRide R Line waxay hadda leedahay miisaaniyad dhan $91.2 milyan. Si loo caawiyo hirgelinta RapidRide R Line sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah Metro waxay isticmaali doontaa maalgelin maxalli ah iyo suurtagal ahaan maalgelin heer gobol si loo hirgeliyo mashruuca. Waxaan aaminsanahay in habkaan maalgelintu uu abuuri doono saadaalin wanaagsan isla markaana uu u oggolaan doono Metro inay si dhakhso badan bulshada ugu gaarsiiso faa'iidooyinka mashruuca.
Ujeeddooyinka RapidRide R Line
- Kordhi helitaanka gaadiid dadweyne oo la isku halayn karo isla markaana soo noqnoqoshadiisu badan tahay ee Rainier Valley.
- Hagaaji tayada iyo fudaydka si ammaan ah loogu xirmo gaadiidka dadweynaha.
Nagula soo biir kulanka furan
Baro mashruuca RapidRide R Line, weydii su'aalo, oo la wadaag aragtidaada kulan dadweyne oo soo socda.
ilaa
Aqoonsiga Kulanka:
851 2156 4685
ilaa
Aqoonsiga Kulanka:
823 7413 2513
Wakhtiga mashruuca
Aragtida mashruuca iyo qorshaynta hore
RapidRide R Line waxaa lagu aqoonsaday Metro Connects, oo ah qorshaha muddada fog ee King County ee lagu ballaarinayo adeegga gaadiidka dadweynaha ee soo noqnoqda, inuu yahay maalgelin mudnaan leh oo lagu horumarinayo gaadiidka dadweynaha ee ku yaala waddada Route 7. Iyadoo u adeegaysa mid ka mid ah waddooyinka basaska ee Metro ugu mashquulka badan uguna rakaabka badan, mashruucan waxaa loogu talagalay inuu hagaajiyo xawaaraha, isku halaynta, awoodda qaadista, iyo guud ahaan waayo-aragnimada rakaabka, isla markaana bixiyo isku xirnaan wanaagsan oo loo maro goobaha shaqada, dugsiyada, guryaha, iyo meelaha kale ee loo socdo. Wejigaan wuxuu dejiyay himilada mashruuca wuxuuna dhidibada u taagay qorshaynta mustaqbalka ee waddada, maalgelinta iyo ka-qaybgalka bulshada.
Maxaa ka dhacay wejigan?
- Metro Connects waxay u aqoonsatay ballaarinta RapidRide inay tahay mudnaan muddo dheer ah, halka Route 7 loo aqoonsaday mudnaan loogu talagalay adeegga mustaqbalka ee RapidRide.
- King County Council ayaa ansixiyay maalgelinta lagu bilaabayo qorsheynta iyo naqshadaynta mashruuca RapidRide R Line.
- Metro waxay diyaarisay qorshe mashruuc oo bilow ah iyadoo iskaashi la samaynaysa SDOT iyo hay'adaha kale ee wada shaqaynta.
- Mashruuca waxaa la hakiyay sannadkii 2020 sababo la xiriira xaddidaadaha maalgelinta ee ka dhashay COVID-19 waxaana dib loo bilaabay sannadkii 2023 iyadoo la sameeyay shaqo qorshayn oo la cusboonaysiiyay si ay uga tarjumto isbeddelladii ka dhacay waddada.
- Metro waxay mashruuca u sii wadday dhinaca ansixinta waddada iyo wejiga xigga ee naqshadaynta.
Wada shaqaynta bulshada
Waxaan sameynay
Laga bilaabo Juun ilaa Oktoobar 2019, Metro waxay qabatay hawlaha ka-qaybgalka bulshada intii lagu jiray wejiga qiimeynta baahiyaha ee RapidRide R Line. Iyadoo la tixgelinayo aragtiyihii iyo talooyinkii ballaarnaa ee bulshada ee laga helay khadkaan intii lagu jiray shaqadii hore ee ay hoggaaminaysay SDOT, waxaan marka hore u baahnayn inaan dib uga warbixinno wixii aan maqalnay, inaan sharaxno sida arrimahaan iyo walaacyadan loogu tixgelin doono naqshadeynta, iyo inaan iftiiminno fursadaha mustaqbalka ee ay bulshadu ku saameyn karto go'aan qaadashada. Metro waxay lahayd laba ujeeddo oo waaweyn intii lagu jiray wejiga qiimeynta baahiyaha: 1) in dib loola xiriiro dadka deggan Rainier Valley oo loo baro RapidRide R Line, iyo 2) in la uruuriyo aragtiyada bulshada ee ku saabsan baahiyaha iyo mudnaanta gaadiidka si loogu saleeyo qorshayaasha naqshadeynta.
Hawlaha ka-qaybgalka intii lagu jiray wejiga 1 waxaa ka mid ahaa wareysiyo lala yeeshay ururrada bulshada ku saleysan (CBOs), bixiyeyaasha adeegyada, iyo kooxaha kale ee bulshada; wacyigelin fool ka fool ah oo ay ku jireen miisas macluumaad oo laga sameeyay munaasabadaha bulshada iyo qabashada warbixinno bulshada loogu talagalay oo lala kaashaday CBOs iyo la-hawlgalayaasha kale ee bulshada; waxaana sidoo kale jiray sahan onlayn ah oo lagu heli karay Ingiriisi, Shiine Fudud, Soomaali, Isbaanish, iyo Fiitnaamiis. Dhammaan kanaalladan, waxaan ku ururinay aragtiyo ku saabsan qodobadan soo socda:
- Qaybaha Route 7 ee hadda jira ee dadku sida ugu badan u jecel yihiin, iyo sidoo kale meelaha u baahan horumarin.
- Goobaha mudnaanta leh ee dadku rabaan inay u safraan kana soo safraan marka ay isticmaalayaan Route 7
- Caqabadaha hortaagan helitaanka gaadiidka dadweynaha iyo horumarinta lagu dhiirrigelinayo isticmaalka badan ee gaadiidka dadweynaha.
- Siyaabaha wax ku oolka ah ee macluumaadka loola wadaago, lagana ururiyo aragtiyo, bulshooyinka taariikh ahaan aan si ku filan loo matalin ama aan helin adeegyo ku filan.
Waxaan sidoo kale dadka weydiinnay inay tilmaamaan meelaha gaarka ah ee ku yaal waddada Route 7 ee muhiimka u ah in loo adeego, iyo goobaha ay jeclaan lahaayeen helitaan wanaagsan oo gaadiidka dadweynaha ah ama ay ka qabaan walaacyo dhinaca badbaadada ah.
Wixii aanu maqalnay
Aragtiyada bulshada ayaa hagay qorshayaasha naqshadeynta ee Metro iyo hawlaha isgaarsiinta iyo ka-qaybgalka ee loo qorsheeyay wejiga 2.
Naqshad hore
Inta lagu jiro Wejiga Qorshaynta, Metro waxay dib u tayaynaysaa qorshaha mashruuca RapidRide R Line si uu uga tarjumo xaaladaha hadda ka jira waddada iyo baahiyaha gaadiidka ee bulshada ee isbeddelaya. Shaqadaan waxaa ka mid ah qiimeynta isbadaladii dhacay tan iyo markii qorshaynta la hakiyay, wada-shaqeyn dhow oo lala yeesho hay'adaha iskaashiga la leh, iyo tayeynta horumarinta la soo jeediyay si loo taageero gaadiid dadweyne oo dhakhso badan, ammaan badan, oo la isku hallayn karo, iyadoo la waafajinayo maalgelinnada kale ee la qorsheeyay ee ku yaal waddadan.
Maxaa ka dhacay wejigan?
- Metro waxay qiimeysay xaaladaha waddada waxayna aqoonsatay horumarinno ka dhigaya gaadiidka dadweynaha mid dhakhso badan, la isku halayn karo, oo si fudud loo isticmaali karo.
- Qorshaha mashruuca waxaa dib loo tayaynayaa iyadoo lagu salaynayo falanqayn farsamo iyo ra'yi-celin laga helay xubnaha bulshada, rakaabka, ganacsiyada, iyo hay'adaha iskaashiga la leh.
- Metro waxay si dhow ula shaqeysay SDOT si mashruuca loogu waafajiyo horumarinta gaadiidka ee la qorsheeyay ee ku teedsan waddada.
- Metro waxay diyaarinaysaa qorshaha mashruuca ee la doorbiday kaas oo ka tarjumaya xaaladaha hadda jira iyo kuwa mustaqbalka ee ku teedsan waddada.
- Metro waxay horraanta sannadka 2027 ka dalban doontaa King County Council inay ansixiyaan Alignment Ordinance (Xeerka Ansixinta Jidka) si loo xaqiijiyo waddada iyo goobaha boosteejooyinka iyadoo mashruucu u gudbayo wejiga xiga ee naqshadeynta.
Wada shaqaynta bulshada
Waxaan sameynay
Wajiga 2 aad: Metro waxay uruurisay aragtiyo ku saabsan qorshaha la doorbiday intii u dhexeysay Nufeembar 2019 iyo Maarso 2020. Waxaan lahayn laba ujeeddo oo ku saabsan ka-qaybgalka bulshada:
- La wadaag xulashooyinka la soo jeediyay ee goobaha boosteejooyinka RapidRide R Line oo ururi aragtiyo si ay gacan uga geystaan go'aaminta qorshaha la doorbiday, iyo
- Sii wad ka-qaybgal bulsho oo ula kac ah, loo dhan yahay, isla markaana caddaalad ku dhisan.
Ka-qaybgalka Metro intii lagu jiray wejiga 2 wuxuu ka koobnaa warbixinno kooban, wada sheekaysiyo, iyo socdaallo lugayn ah oo lala yeeshay CBOs iyo kooxaha kale ee bulshada; wacyigelin fool ka fool ah ayaa lagu sameeyay iyadoo miisas macluumaad la dhigayo munaasabadaha bulshada, goobaha ay dadku isugu yimaadaan, iyo bulshooyinka guryaha; wacyigelin lagu sameeyay joogsiyada basaska; kulammo fool ka fool ah oo dadweyne; kulan dadweyne oo onlayn ah oo lagu heli karay Ingiriisi, Shiineyska Fudud, Soomaali, Isbaanish, Shiineys Dhaqameedka, iyo Fiitnaamiis; la falgalka wadayaasha Route 7; iyo warbixino kooban oo lala yeeshay xubnaha golayaasha magaalada iyo degmada.
Waxaan uruurinay aragtiyo ku saabsan qodobadaan soo socda ee qorshaha la doorbiday ee RapidRide R Line:
- Goobaha boosteejooyinka ee la soo jeediyay
- Mashruucyo loogu talagalay in loo fududeeyo laguna ambaqaado si ammaan ah in baska lagu gaaro
- Horumarinta waddooyinka iyo isgoysyada si baska looga dhigo mid dheereeya oo la isku halayn karo.
Aragtiyihii aan helnay waxay gacan ka geysteen sii hagaajinta naqshadda Metro ee qorshaha la doorbiday. Soo koobidda warbixintaan waxaa laga heli karaa qaybta Resources ee hoose.
Wixii aanu maqalnay
Aragtiyaha bulshada ayaa si toos ah u saameeyay qorshaha hadda la doorbiday iyadoo loo marayo siyaabaha soo socda:
- Ra'yi-celinta bulshada ee ku saabsan baahiyaha adeegga ee Chinatown-International District ayaa saameysay go'aanka ah in RapidRide R Line ay adeeg ka bixiso Maynard Avenue S iyo 8th Avenue S.
- Ra'yi-celinta bulshada ee ku saabsan ikhtiyaarrada goobaha boosteejooyinka ee Columbia City ayaa horseeday go'aanka ah in lagu daro labada boosteejo ee RapidRide R Line ee wadooyinka S Edmunds iyo S Dawson.
- Waxaan helnay aragtiyo iyo taageero aad u ballaaran oo bulshada ka yimid oo ku saabsan in la sii hayo goobta hadda ay ku yaallaan labada boosteejo ee S Walker Street, iyo baahida loo qabo horumarinno ka dhigaya inay fududaato in si ammaan ah loo gaaro boosteejooyinkan.
- Isku xirnaanta Link light rail ee Rainier Beach Station ee lagu keenayo fidinta S Henderson Street ayaa noqotay mudnaan muhiim ah oo ay bulshadu siisay.
Wajiga 3-aad: Intii lagu jiray wejiga saddexaad ee ka-qaybgalka, Metro waxay bulshada la wadaagtay macluumaad ku saabsan qorshaha kama dambaysta ah ee la doorbiday, kaas oo ay ku jireen goobaha saldhigyada, sifooyinka la soo jeediyay, mashaariicda kor u qaadaya xawaaraha iyo isku halaynta adeegga basaska, iyo mashaariicda fududeynaya kana dhigaya mid ammaan badan in la gaaro joogsiyada basaska.
Hadda oo Metro ay dib u billowday shaqadan, mashruucu wuxuu sii wadi doonaa wejigiisii ugu dambeeyay ee ka-qaybgalka isagoo dib u soo bandhigaya mashruuca isla markaana dib ula falgalaya xubnaha bulshada. Hawlaha wacyigelinta waxay ka koobnaan doonaan qaybinta waraaqaha wacyigelinta ee xaafadaha kala duwan, la falgalka mulkiilayaasha guryaha, qabashada Open House oo onlayn ah iyo mid fool ka fool ah, cusboonaysiinta bogga internetka, iyo bixinta warbixinno kooban marka la codsado. Wejiga ka-qaybgalka wuxuu socon doonaa laga bilaabo Agoosto 1 ilaa 31, 2026.
U beddelidda mashruuca qorshe diyaar u ah in la dhiso
Wejiga Naqshadaynta wuxuu sii horumarin doonaa oo sii faahfaahin doonaa tallooyinka mashruuca ee ka soo baxay qorshaha mashruuca ee la doorbiday.
Maxaa ka dhaca wejigan?
- Meelaynta boosteejooyinka ee isgoysyada adeegga ee la aqoonsaday ayaa sii faahfaahin lagu sameeyaa.
- Horumarinta Xawaaraha iyo Isku Halaynta ayaa sii faahfaahin lagu sameeyaa si loogu diyaariyo hirgelinta.
- Access to Transit Concepts waxaa loo qaabeeyey si ay u bixiyaan marin u helid la hagaajiyey oo loogu talagalay baaskiilleyda iyo dadka lugaynaya.
- Naqshadaha mashruuca waxaa lagu qiimeeyaa isku dhacyada adeegyada kaabayaasha, saameynta hantida, iyo guud ahaan suurtagalnimada hirgelinta dhismaha.
- Qiyaasaha kharashka mashruuca ayaa si faahfaahin lagu sameeyaa si ay ula jaanqaadaan miisaaniyadda la ansixiyay.
Diyaarinta iyo dhismaha mashruuca
Wejigan, Metro waxay sharaxi kartaa waxa dhaca ka dib naqshadda kama dambaysta ah iyo ka hor inta aysan bilaaban dhismaha muuqda. Diiraddu waxay ka wareegtaa horumarinta naqshadaynta waxayna u wareegtaa u diyaargarowga hirgelinta.
Maxaa dhici kara wejigan?
- Isku-duwidda oggolaanshaha iyo ansixinta hay'adaha
- Shaqooyinka hore ee adeegyada kaabayaasha ama diyaarinta hore
- Tallaabooyinka qorshaynta dhismaha iyo soo iibsiga
- Macluumaadka dadweynaha ee ku saabsan waxa la filan karo ka hor inta aysan shaqadu bilaaban.
Bilaabista adeegga RapidRide R Line
Wejigan wuxuu u dabbaaldegi karaa furitaanka mashruuca, wuxuuna bogga u weecin karaa dhinaca macluumaadka rakaabka. Marka la gaaro heerkaas, diiradda waxay noqotaa sida adeegga loo isticmaalo iyo waxa macaamiishu u baahan yihiin inay ogaadaan maalinta koowaad.
Maxaa dhici kara wejigan?
- Macluumaadka bilaabista adeegga
- Boosteejooyinka iyo adeegyada rakaabka
- Sida loo isticmaalo adeegga iyo waxyaabaha muhiimka ah ee adeegga
- Xiriiriyeyaasha jadwalada, khariidadaha, iyo agabka rakaabka
Su'aalaha Badanaa la Isweydiiyo
Mustaqbalka R Line wuxuu ku fidsan yahay qiyaastii siddeed mayl inta u dhexeysa Downtown Seattle iyo Rainier Beach isagoo mara Rainier Avenue S. Waddadan gaadiidka dadweynaha waxay dhex martaa xaafado dhowr ah waxayna bixisaa isku xirnaansho u dhexeeya guryaha, goobaha shaqada, dugsiyada, adeegyada dadweynaha, iyo gaadiidka dadweynaha. Rainier Avenue S ma ahan oo keliya waddo loo asteeyay gaadiidka xamuulka oo u baahan layn ballaaran si gaadiidka xamuulku ugu adeego ganacsiyada deegaanka, laakiin sidoo kale waa waddada ugu tirada badan shilalka marka loo eego waddo kasta oo kale oo ku taalla Seattle. Isbeddellada la soo jeediyay ee R Line ma hagaajin doonaan oo keliya isku halaynta iyo waqtiga safarka gaadiidka dadweynaha, balse sidoo kale waxay u abuuri doonaan meel ammaan badan dhammaan dadka isticmaala aaggan.
Haddii la ogaado saameyn ku yeelanaysa hanti, milkiilaha hantida ayaa lala soo xiriiri doonaa. Haddii aan lala soo xiriirin milkiilayaasha hantida, waxay ka dhigan tahay inaan wax saameyn ah oo la qorsheeyay aysan ku yeelan doonin hantidooda. Iyadoo aan loo eegin heerka saameynta, dhammaan milkiilayaasha hantida ee ku teedsan waddada waxay sii wadi doonaan helitaanka ogeysiisyada mashruuca inta lagu jiro dhammaan marxaladaha mashruuca.
Tan iyo 2020, City of Seattle waxay dhammaystirtay dhowr horumarin oo dhinaca gaadiidka ah oo ku yaal waddada la qorsheeyay ee RapidRide R Line, oo ay ku jiraan haadad cusub oo basaska ah oo ku yaal Rainier Avenue South—dhanka koonfureed inta u dhexeysa South Oregon Street iyo South Edmunds Street, dhanka woqooyi inta u dhexeysa South Alaska Street iyo South Walden Street, iyo dhanka woqooyi inta u dhexeysa South Walden Street iyo South State Street—nalal cusub oo lagu hago taraafikada oo laga sameeyay South Rose Street, South College Street, iyo South Grand Street, iyo meelo cusub oo waddada looga gudbo oo loogu talagalay dadka lugaynaya iyo kuwa ku socda qalabka taayirrada leh. Metro waxay dib u eegtay isbeddelladan waxayna cusboonaysiisay qorshayaasha mashruuca si ay u taageeraan adeeg gaadiid dadweyne oo ka dheereeya kana la isku halayn karo. Si aad wax badan uga ogaato mashruuca Rainier Avenue S. Bus Lane, booqo webseedka SDOT.
Habka Care and Presence (Daryeel iyo Joogitaan) ee Metro wuxuu diiradda saaraa abuurista nidaam gaadiid dadweyne oo ka nadiifsan, ka ammaan badan, isla markaana soo dhoweyn badan. Baro sida Metro u hagaajinayso nadaafadda, u kordhinayso joogitaanka shaqaalaha, u taageerayso rakaabka, u dejinayso filashooyin cad, uguna bixinayso talooyin badbaado oo ku saabsan raacidda baska, isticmaalka kursiga curyaamiinta ama qalabka kaalmada dhaqdhaqaaqa, iyo safarka baaskiilka.
Isdiiwaangeli si aad uhesho wararkii ugu danbeeyey (Af Ingiriis)
Maktabadda kheyraadka
Soo Koobidda Ka-qaybgalka ee Qorshaha Kama Dambaysta ah ee La Doorbiday (Maarso ilaa Diseembar 2020) — Af-Ingriis keliya
Sahami qorshaha kama dambaysta ah ee la doorbiday ee R Line, oo ay ku jiraan goobaha boosteejooyinka ee la soo jeediyay, horumarinta gaadiidka dadweynaha, iyo sida ra'yi-celinta bulshada ay u saameysay soo-jeedinta kama dambeysta ah ee mashruuca ka hor intii aan shaqada naqshadeynta la hakinin sannadkii 2020.
Soo Koobidda Ka-qaybgalka ee Qorshaha La Doorbiday (Noofambar 2019 ilaa Maarso 2020) — Af-Ingriis keliya
Baro sida Metro u ururisay aragtiyada bulshada ee ku saabsan qorshaha la doorbiday ee R Line intii u dhexeysay Noofambar 2019 iyo Maarso 2020. Soo koobitaankani wuxuu iftiiminayaa aragtiyada laga bixiyay goobaha boosteejooyinka, horumarinta gaadiidka dadweynaha iyo sida ra'yi-celinta bulshada ay gacan uga geysatay qaabaynta qorshaha la doorbiday ee mashruuca.
Soo Koobidda Ka-qaybgalka ee Qiimeynta Baahiyaha (Juun ilaa Oktoobar 2019) — Af-Ingriis keliya
Baro sida Metro ula falgashay bulshooyinka Rainier Valley intii lagu jiray wejigii koowaad ee mashruuca R Line (Juun–Oktoobar 2019). Soo koobitaankaan wuxuu iftiiminayaa hawlaha wacyigelinta, ra'yi-celinta bulshada iyo mawduucyada muhiimka ah ee gacan ka geystay qaabaynta qorshayaasha naqshadeynta mustaqbalka.
Xaashida Xaqiiqooyinka (Xagaaga 2026)
Dukumiinti hal bog ah oo soo koobaya horumarka RapidRide R Line ilaa Xagaaga 2026, isagoo iftiiminaya faa'iidooyinka iyo waxa la filan karo xiga.
Sidoo kale waxaa lagu heli karaa luqadaha soo socda:
Soo Koobidda Fulinta ee Warbixinta Qorshaynta iyo Horumarinta Waddada (Oktoobar 2020) — Af-Ingriis keliya
Hel dulmar guud oo ku saabsan RapidRide R Line ee la soo jeediyay, oo ay ku jiraan horumarinta la qorsheeyay ee waddada, goobaha boosteejooyinka, astaamaha mudnaanta u leh gaadiidka dadweynaha, horumarinta helitaanka iyo adeegsi fududeynta, iyo qiyaasaha kharashka mashruuca.
Warbixinta Qorshaynta iyo Horumarinta Waddada (Oktoobar 2020) — Af-Ingriis keliya
Eeg warbixinta farsamada ee dhammaystiran ee diiwaangelinaysa RapidRide R Line ee la soo jeediyay, oo ay ku jiraan falanqaynta waddada, talooyinka naqshadeynta, qaabaynta taraafikada, qorshaynta saldhigyada, horumarinta helitaanka iyo adeegsi fududeynta, qiyaasaha kharashka, iyo xogta farsamo ee taageeraysa.
Warqadda Macluumaadka Hantida ee Xuquuqda Waddada (Xagaaga 2026) — Af-Ingriis keliya
Warqadahan waxaa lala wadaagay milkiilayaasha hantida ee la aqoonsaday inay leeyihiin hanti ay suurtagal tahay inuu saameeyo RapidRide R Line oo ku taalla nus mayl oo ka tirsan RapidRide R Line ee la qorsheeyay.
Buug-yaraha Milkiilayaasha Hantida ee RapidRide (Diseembar 2024) — Af-Ingriis keliya
Baro waxa milkiilayaasha guryuhu filan karaan inta lagu jiro Wejiga Qorshaynta, naqshadeynta, iyo dhismaha RapidRide, oo ay ku jiraan helitaanka mashruuca, la wareegidda hanti, magdhowga, iyo saameynta dhismaha.
Translate