Xeerka Ilaalinta Kireystaha ee Deegaamada ka Baxsan Xadka Degmada King
BARO XUQUUQDAADA. Kireyste ahaan, tallaabo qaad oo baro xuquuqdaada si aad u xaqiijiso milkiilaha gurigaaga kirada ahi ku ixtiraamo. Ugu horrayntii, haddii aad khatar ugu jirto in guriga lagaa saaro, waa ku sharci darro milkilaha guriga inuu kaa guriga, alaabadaada dibadda u soo saaro, ama korontada iyo gaasta ka goosto - xitaa haddii aad la habsaanto kirada. Dukumeentigan u isticmaal inaad si fiican ugu barato xuquuqahaaga kireyste ahaan ee deegaamada ka baxsan xadka Degmada King oo keliya. Deegaamada ka baxsan xadka Degmada King waa aagaga degmada ee ka baxdsan xuduudaha magaalada. Waa tan khariiradda deegaamada ka baxsan xadka Degmada King (Aagaga cagaaran waa Deegaamada Xadka ka baxsan eee Degmada King).
KELIGAA MA TIHID. KAALMO SHARCIYEED AYAA DIYAAR AH. Haddii aad u baahato kaalmo sharciyeed, ha isku dayin inaad keligaa hawsha qabsato. Wac 2-1-1 si laguugu xiro caawimo sharciyeed bilaasha iyo hay'adaha bixiya taageero dhanka kirada guryaha ah, ama wixii maclumaad dheeraad ah ee ku saabsan xuquuqdaada ka raadso Washington Law Help (Kaalmada Sharci ee Washington).
Su’aalaha? Iimayl xochitl.maykovich@kingcounty.gov
Guji si aad u hesho macluumaad ku saabsan qayb kasta:
- Soo degitaanka – Macluumaad ku saabsan shuruudaha baarista iyo hubinta, lacagaha horumarinta, iyo ilaalinaha la midka ah
- Baarista iyo Hubinta Kiraystaha
- Kharashka Soo-Degitaanka iyo Lacagta Horumarinta ah
- Ilaalinaha Kiraystaha ka Ilaalinaya Takooritaanka
- Lambarada Sooshal Sekyuuratiga
- Ku noolaanshaha Guri Kiro ah– macluumaad ku saabsan heshiisyada kirada, dayctirka, kordhinta kirada, iyo ilaalinaha la midka ah
- Heshiisyada Kirada
- Dayactirka
- Bixinta Kirada
- Kordhinta Kirada
- Khidmadaha La Daahista Kirada
- Ogeysiisyada Guri Ka Saarista
- Bixitaanka – Macluumaad ku saabsan bixinta ogeysiiska joojinta kirada iyo soo celinta lacagta horumarinta ah
- Bixinta Ogeysiiska
- Soo Celinta Lacagta Horumarinta ah
Soo degitaanka
- Baarista iyo Hubinta Kiraystaha
- Kharashka Soo-Degitaanka iyo Lacagta Horumarinta ah
- Ilaalinaha Kiraystaha ka Ilaalinaya Takooritaanka
- Lambarada Sooshal Sekyuuratiga
Baarista iyo Hubinta Kiraystaha
Milkiile kasta oo guri wuxu leeyahay shuruudo u gaar ah oo ka rabo kireystayaasha ku nool guryihiisa wuxuna isticmaala habab kala duwan oo uu macluumaadka shuruudahaas ku saabsan ku soo uruursado. Waxyaabo ay tahay in niyada lagu hayo:
- Milkiilayaasha guryuhu waxay adeegsan karaan shuruud baaritaan kasta oo ay rabaa, illaa inta ay shuruudahaas u adeegsanayaan qaab aan takoor ku jirin.
- Tusaale ahaan, milkiilayaasha guryuhu codsadaha kirada waxay ka codsan karaan Lambarada Sooshal Sekyuuratiga balse kuma waajibin karaan. Haddii codsadaha kirada uu milkiilaha siin waayo Lambarada Sooshal Sekyuuratiga, milkiiluhu wuxu codsadaha kirada ku hubin karaa macluumaad kale sida, iyada oo intan ku koobnayn,magacyadiisii, cinwaanadiisii hore, tixraacyo shaqsiyeed, iyo taariikhda shaqada. Xeerka Degmada King 12.25.140
Milkiilayaasha guryuhu guryahooda way u diidi karaan codsadaha kiradanatiijadiisa hubintu soo saarto inuu xog qaldan bixiyay, guriga ku habboonayn, ama xogtiisa la waayo. Milkiilayaasha guryuhu waxay codsadaha kirada ku dallaci karaan kharashka soo saarista warbixinta baarista iyo hubinta kiraystaha haddii ay codsadaha kirada siiyaan macluumaadka hoose, kaas oo sharciga gobolku ka rabo milkiilayasha guryuhu inay codsadaha kirada siiyaan:Xeerka Washington ee Dib Loo Eeegay (Revised Code of Washington, RCW) 59.18.257
- nooca macluumaadka loo adeegsan doono in lagu hubiyo kiraystah;
- macluumaadka keeni kara diidmo;
- haddii milkiilaha gurigu aqbalayo warbixinta faahfaahsan ee baarista iyo hubinta kiraystaha ee dib loo isticmaali iyo in kale; iyo
- haddii la isticmaalay warbixinta macmiilka, magaca iyo cinwaanka hay'adda macmiil ka soo warbixinta. Kiraystaha waxa la siinayaa nuqul warbixinta ah oo bilaasha haddii codsigiisa la diido ama ficil kale oo diidmo ah uu helo.
Kharashka Soo-Degitaanka iyo Lacagaha Horumarinta ah
Milkiilayaasha guryuhu waxay kiraystayaasha soo codsada guryahooda ku dallaci karaan lacago horumarin ah iyo khidmado soo degitaan. Haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan kharashka soo-degitaanka iyo lacagaha horumarinta ah, wac 2-1-1 si laguugu xiro caawimo sharciyeed bilaasha iyo hay'adaha bixiya taageero dhanka kirada guryaha ah, ama wixii maclumaad dheeraad ah ee ku saabsan xuquuqdaada ka raadso Kaalmada Sharci ee Washington.
Dhammaan khidmadaha soo-degitaanka iyo lacagaha horumarintu kama badnaan karaan kirada hal bil, marka laga reebo marka kiradu ku saleysan tahay dakhliga kiraystaha. Reebitaankan kuma dabbaqmayo kiraystayaasha kirada iskaga bixiya Housing Choice Voucher (Foojarka Xulashada Guryaha). Xeerka Degmada King 12.25.050
Milkiilayaasha Guryuhu waa inay kiraystayaasha u ogolaadaan inay khidmadaha soo-degitaanka iyo lacagaha horumarinta isaga bixiyaan qaab hafto ah. Tirada haftadu waxay ku xirnaanaysaa dhererka heshiiska kirada, oo ah sida hoos ku xusan. Xeerka Degmada King 12.25.050
Heshiisyada kirada ee 6 bilood ama ka badan ah |
Heshiisyada kirada ee ka yar 6 bilood ama heshiisyada kirada ee bil-ka-bil ah |
Kiraystayaashu waxay khidmadaha soo degitaanka iyo lacagaha horumarinta ku bixin karaan lix hafto bileed oo is le'eg |
Kiraystayaashu waxay khidmadaha soo degitaanka iyo lacagaha horumarinta ku bixin karaan labo hafto bileed oo is le'eg oo lagu bixinayo labada bilood ee ugu horreeya heshiiska kirada. |
Sharciga gobolku wuxu waajibinayaa in qoraal ahaan heshiisyada kirada loogu sheego haddii milkiilaha gurigu kiraystaha ku dallacayo lacag horumarin ah. Milkiilaha gurigu waa inuu keena liis hubineed qoran oo sharraxaya xaaladda iyo dhaawacyada guriga horey ugu yaallay haddii milkiilaha gurigu kiraystaha ku dallacayo lacag horumarin ah. RCW 59.18.260
Haddii aad wax su'aalo dheeraad ah qabto, wixii macluumaad dheeraada ah ka raadso Kaalmada Sharci ee Washington. Si ay u helaan caawimo dheeraad ah, kiraystayaashu waxay sidoo kale wici karaan 2-1-1 si loogu xiro caawimo sharciyeed bilaasha iyo hay'adaha bixiya taageero dhanka kirada guryaha ah.
Ilaalinaha Kiraystaha ka Ilaalinaya Takooritaanka
Kiraystayaasha deegaamada ka baxsan xadka Degmada King waxa takoorista looga ilaaliyaa iyadoo lagu salaynayo qaybahan ilaashan:
- Da'da;
- ilaha dakhliga laga heli karo ee kale;
- isirka;
- Muwaadinnimada ama xaaladdda Degenaansheed;
- midabka;
- caqiidada;
- naafonimada;
- xaaladda qoyska;
- aqoonsiga sinjiyeed;
- halyeey ciidan oo si sharaf leh shaqada uga fadhiistay ama ka tirsanaanta ciidanka;
- xaaladda guurka;
- asalka qaran;
- xaaladda waalidnimo;
- qowmiyadda;
- diinta;
- kaabista guryaha sida Foojarka Xulashada Guryaha;
- nooca jinsiga;
- fikirka galmo; ama
- adeegsiga xayawaanada ay taageersadaan dadka naafada ah.
Ilaalinahani waxay ka jiraan sharciga federaalka, ka gobolka, ama ka deegaanka hadba kii ku habboon. Xeerka Guriyaynta Caddaaliga ah / RCW 49.60.222 / RCW 59.18.255 / eerka Demgada King 12.20
*ilaha dakhliga laga heli karo ee kale waxa looga jeedaa ilaha dakhliga ee sharciga ah ee la xaqiijin karo oo aan ahayn mushahar, mushqaayad, ama noocyo kale oo dakhli ah oo shaqo lagu helo. Waxa ka mid ah, in kasta oo aanay ku koobnayn, dakhliga laga helo dheefaha Sooshal Sekyuuratiga, barnaamijyada kale ee hawlgabka, dakhliyada kale ee ilaalinta dheeraadka ah, dheefaha shaqo la'aanta, lacagaha taageerada ilmaha, Barnaamijka Lacagaha Caawimada ah ee Gobolku siiyo Duqayda, Indhoolayaasha iyo Dadka Naafada ah (Aged, Blind or Disabled Cash Assistance), Barnaamijka Lacagaha Caawimada ah ee Gobolku siiyo Qaxoontiga (Refugee Cash Assistance), ama barnaamij kasta oo lacago caawimo ah ay ku bixiyaan gobolka, dowladaha hoose, ururada gaarka loo leeyahay ama haayadaha.
Milkiilayaasha guryuhu taariikhda daymeed ayay u adeegsan karaan hubinta kiraystayaasha. Milkiilayaasha guryuhu waxay sidoo kale dejisan karaan xad dhibco deymeed kuwaas ay diidi karaan inay guryahooda ka kireeyaan kiraystayaasha hoosmara dhibco daymeedkaas. Xeerka Degmada King 12.20
Lambarada Sooshal Sekyuuratiga
Milkiilayaasha guryuhu waxay codsadaha ka codsan karaan Lambarada Sooshal Sekyuuratiga (Social Security Number, SSN) si ay ugu baaraan oo ugu hubiyaan codsadaha, laakiinse codsadayaasha kuma waajib aha inay bixiyaan SSN. Milkiilayaasha guryuhu uma diidi karaan guriga kirayste diiday inuu bixiyo SSN. Milkiilayaasha guryuhu waxay kiraystaha ku hubin karaan macluumaad kale sida, iyada oo intan ku koobnayn, magacyadiisii, cinwaanadiisii hore, tixraacyo shaqsiyeed, iyo taariikhda shaqada. Milkiilayaasha guryuhu guryahooda way u diidi karaan kiraystaha natiijadiisa hubintu soo saarto inuu xog qaldan bixiyay, guriga ku habboonayn, ama xogtiisa la waayo. Xeerka Degmada King 12.25.140
Ku Noolaanshaha Guri Kiro ah
- Heshiisyada Kirada
- Dayactirka
- Bixinta Kirada
- Kordhinta Kirada
- Khidmadaha La Daahista Kirada
- Ogeysiisyada Guri Ka Saarista
Heshiisyada Kirada
Milkiilayaasha guryuhu kiraystaha ugama baahan karaan inay ka tanaasulaan xuquuqdooda. Heshiiska oo kiro oo ka tanaasulaya xuquuqda kiraystaha waa waxba kama jiraan. Haddii milkiile guri si ula kac ah u diyaariyo heshiis tanaasulsiinaya xuquuqda kiraystaha, kiraystuhu wuxu ku dallacan karaan wixii kharashka wixii dhibaato ah ee soo gaara, kharashyada sharciga, iyo khidmadaha abukaatayaasha. Xeerka Degmada King 12.25.030.B
Dayactirka
Kiraystayaashu waa inay wixii su'aalo ah ee ku saabsan shuruudaha sharciga gobolka ee khuseeya codsashada dayactirka kala xiriiraan Kaalmada Sharci ee Washington.
Waaxda Dhaqangelinta Xeerka Degmada King (King County Code Enforcement) waxay baadhi kartaa cilladaha ka jira dhismayaasha ku yaallada deegaamada ka baxsan xadka Degmada King, sida cilladaha qaab dhismeedka dhismaha, nidaamyada dabdamiska ee jabay, albaabada gurmadka degdega ah o xannibmay iyo dhibaatooyinka la midka h. Waaxda Dhaqangelinta Xeerka Degmada King ma baaraan arrimaha dhexyaala milkiilaha guriga iyo kiraystaha sida soo celinta lacagta horumarinta ah, kordhinta kirada, ama dhibaatooyinka la midka ah. Haddii aad qabto cabasho dhisme, waxaad la xiriiri kartaa Waaxda Dhaqangelinta Xeerka Degmada King si aad u soo gudbiso xadgudub khuseeya arrintaas.
Haddii milkiile helo amar ka socda Degmada King kaas oo cambaaraynaya guriga kirada ah, kiraystuhu wuu ka guuri karaan dhismaha haddii milkiilaha gurigu caddeeyo inaanu dayactiri karayn guriga sababo dhaqaale ama caafimaad oo haysta dartood. Kiraystuhu dayactirka loo baahan yahay iskii ayuu u sameysan karaa oo wuu ku sii jiri karaa guriga si waafaqsan sharciga gobolka. RCW 59.18.100. Xeerka Degmada King 12.25.030(9).
Bixinta Kirada
Kiraystayaashu waa inay wixii su'aalo ah ee ku saabsan shuruudaha sharciga gobolka ee khuseeya bixinta kirada kala xiriiraan Kaalmada Sharci ee Washington.
Kiraystayaashu waxay lacagta kirada ee lagu leeyahay ku bixin karaan illaa 5 maalmood ka dib marka maxkamadi xukun ku soo saarto si ay ugu sii jiri karaan guriga, laakiin lacagta kiraystaha lagu leeyahay waqtiga ayay isla beddelaysaa muddadaas. Milkiilayaasha guryuhu waa inay aqbalaan lacagaha caawimada ee daboolaya lacagta kirada ee ay qofka ku leeyihiin oo dhan ee aan lahayn wax shuruud ah oo lacagtaas ku xiran. RCW 59.18.410(2)
Xilliga Waqtiga |
Lacagta Kiraystaha Lagu Leeyahay |
Tusaale |
Xilliga lacaga la filayo |
Lacagta kirada
|
$1,000 oo lacag kiro ah ayaa la filayaa oo tagaan maalinta 1aad. Heshiiska kiradu wuxu kiraystaha ku waajibinaya inuu bixiyo $150 haddii lacagta kiradu daahdo. |
Muddada 30-ka maalmood ee ogeysiiska ah dhexdeeda |
Lacagta kirada (milkiilayaashu guryuhu waxay qaadi karaan khidmad daahitaan, laakiin tani maaha shuruud ku xiran ku sii jirista guriga) |
Kiraystuhu muu bixin kirada maalinta 1aad. Milkiilaha gurigu ayaa bixiyay 30 maalmood oo ogeysiis ah. Kiraystuhu wuxu u baahan yahay inuu muddadaas 30-ka maalmood ah ku bixiyo keliya $1,000 si uu guriga ugu sii jiro oo ugu hortago in laga saaro. In kastoo milkiilaha gurigu soo dallacan karo $150 ee khidmadda daahitaanka ah, milkiilaha gurigu kiraystaha guriga ugama saari karo khidmadda daahitaanka darteed. Milkiilaha gurigu wuxu khidmadda daahitaanka u wakiilan karaa hay'adaha soo uruuriya daynta. |
Ka dib 30-ka maalmood ee ogeysiiska ah, ka hor intaan kiiska guri ka saarista loo gudbin maxkamadda |
Kirada + khidmadda daahitaan oo illaa $75 (Milkiilayaasha guryuhu waxay soo dallacan karaa khidmad daahitaan tan ka sarraysa, laakiin kiraystaha waxa ku waajib ah keliya inuu bixiyo $75 si uu guriga ugu sii jiro. Milkiilaha gurigu wuxu isticmaali karaa qaabab kale oo aan ahayn guri ka saaris si uu khidmadda hartay u helo) |
Kiraystuhu kumuu bixin lacagta kirada iyo $75 ee khidmadda daahitaanka ah 30-kii maalmood ee ogeysiiska ahaa. Kiraystuhu waa inuu bixiyaa $1,000 iyo $75 khidmad daahitaan ah si guriga uu ugu jiro ugan hortago in guriga laga saaro. Inkastoo milkiilaha gurigu soo dallacanayo $150 khidmad daahitaan ah, kiraystuhu waa inuu bixiyaa keliya $75 si uu guriga ugu sii jiro. Kiraystuhu waxa weli u harsan khidmadii daahitaanka laakiin milkiilaha gurigu kiraystaha guriga ugama saari karo inta ka hartay khidmadda. Milkiilaha gurigu wuxu inta ka hartay khidmadda daahitaanka u wakiilan karaa hay'adaha soo uruuriya daynta. |
Kiiska guri ka saarista maxkamadda ayaa loo gudbiyay |
Lacagta kirada + khidmadda daahitaanka oo illaa $75 ah + kharashyada maxkamadda |
Kiraystuhu kumuu bixin lacagta kirada 30-kii maalmood ee ogeysiiska ahaa. Faylasha milkiilaha gurigu wuxu yaallaa maxkmadda. Kiraystuhu wuu joojin karaa guri ka saarista haddii uu bixiyo $1,000 ee lacagta kirada ah, $75 khidmadda daahitaanka ah, iyo kharashyada maxkmadda (caadiyan waa $300-$400). Kiraystuhu waxa weli u harsan khidmadii daahitaanka laakiin milkiilaha gurigu kiraystaha guriga ugama saari karo inta ka hartay khidmadda. Milkiilaha gurigu wuxu inta ka hartay khidmadda daahitaanka u wakiilan karaa hay'adaha soo uruuriya daynta. |
Maxkamadii ayaa kiiska ku xukuntay kiraystaha (iyo ka dib xukunka illaa 5 maalmood) |
Lacagta kirada + khidmadda daahitaanka oo illaa $75 ah + kharashyada maxkamadda + kharashyada qareenka (haddii maxkamdu xukunto in kiraystuhu bixiyo khidmadda qareenka ee milkiilaha guriga) |
Kiraystuhu muu bixin lacagta kirada ka dib marka kiiska maxkamadda loo gudbiyay. Maxkamada waxay dhegeysatay dacwadda guri ka saarista. Maxkamada ayaa go'aamisay in kiraystaha guriga laga saaro waxayna soo saartay xukun kiraystaha ku liddi ah. Kiraystuhu wuu joojin karaa guri ka saarista haddii uu, 5 maalmood gudahood ka dib xukunka, ku bixiyo $1,000 ee lacagta kirada ah, $75 khidmadda daahitaanka ah, iyo kharashyada maxkmadda (caadiyan waa $300-$400), iyo waa haddii maxkamadu xukuntee, khidmadda qareenka milkiilaha guriga. Kiraystuhu waxa weli u harsan khidmadii daahitaanka laakiin milkiilaha gurigu kiraystaha guriga ugama saari karo inta ka hartay khidmadda. Milkiilaha gurigu wuxu inta ka hartay khidmadda daahitaanka u wakiilan karaa hay'adaha soo uruuriya daynta. |
Kordhinta Kirada
Milkiilayaasha guryaha waxaa laga rabaa inay bixiyaan ogeysiis 120 maalmood ah haddii ay kirada kordhinayaan wax ka badan boqolkiiba saddex. Haddii kiradu ku salaysan tahay dakhliga kiraystaha, sida kirada guryaha la kaabo ee ku qiimaysa kirada boqolkiiba 30 dakhliga kiraystaha, markaas milkiilaha guriga waxa laga rabaa inuu bixiyo ogeysiis ugu yaraan ah 30 maalmood. Xeerka Degmada King 12.25.070
Tusaale: kirayste ayaa bixiya lacag $1,500 bishii. Milkiiluhu wuxu bixinaya:
- 120 maalmood oo ogeysiis ah haddii lacagta kirada lagu kordhiyo wax ka badan $45.
- 60 maalmood oo ogeysiis ah haddii lacagta kirada lagu kordhiyo $45 ama wax ka yar.
Milkiilayaasha guryuhu ma kordhin karaan lacagta kirada haddii gurigu uu leeyahay cillad sababaysa in aan la degi karin ama keenaysa inuu ku xadgudbo RCW 59.18.060. Milkiilayaasha guryuhu waxay kordhin karaan lacagta kirada markay cillada hagaajiyaan. Xeerka Degmada King 12.25.100
Khidmadaha La Daahista Kirada
Milkiilayaasha guryuhu waxay dadka lacagta kirada la soo daaha ama bixin waaya ku soo dallaci karaan khidmado ama kharashaad kiro la daahitaan. Hase ahaatee, kharashaadka ama khidmadaha la daahista kirada kama badnaan karaan 1.5 boqolkiiba lacagta kirada billaha ee kiraystaha. Xeerka Degmada King 12.25.060
Tusaale: Kirayste lacagtiisa kiradu tahay $1,000 laguma soo dallaci karo khidmado la daahis kiro ka badan $15 haddii lacagta kirada la daaho.
Ogeysiisyada Guri Ka Saarista
Ogeysiiska guri ka saaristu waa bilowga nidaamka guriga ka saarista. Haddii kiraystuhu aanu u hogaansamin ogeysiiska ama aanu guriga ka guurin ka hor intaanay dhicin muddada ogeysiintu, milkiilaha gurigu wuxu kiis guri ka saariseed ka dhan ah kiraystaha u gudbin karaa maxkmadda. Milkiilayaasha guryuhu ma beddeli karaan qafilada guriga iyaga oo aan idan ka haysan kiraystaha. Qofka keliya ee kiraystaha xoog guriga kaga saari karo waa sarkaal boolis, isna wuxu sidaas sameyn karaa keliya haddii maxkamddu soo ogolaato in guriga laga saaro kiraystaha.
Kiraystayaashu waxay xaq u leeyihiin inay iska difaacaan guri ka saarista. Kiraystayaashu waxay la xiriiri karaan Mashruuca Caddaaladda Guryaha (Housing Justice Project) si ay uga caawiyaan kiiska guri ka saarista. Kiraystayaasha dakhliga hooseeya waxay xaq u leeyihiin qareen kirayste bilaash ah. RCW 59.18.640
Kiraystayaasha ku nool deegaamada Xadka Degmada King ka baxsan waxay leeyihiin ilaalino maxalli ah oo ka ilaalinaya in guriga laga saaro kuwaas oo milkiilayaasha guryaha u ogolaada inay kirayste guriga uga saaraan sababo khaas ah. Milkiilayaashu waa inay kiraystayaasha siiyaan ogeysiis guri ka saariseed ka hor intaanay maxkamad la tiigsan:
- Kiraystuhu uma hogaansamin ogeysiiska bixin la'aanta kirada. (30 maalmood oo ogeysiis ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.1.a
- Tusaale: Lacagta kirada waxa la rabay 1da Ogos laakiin kiraystuhu muu bixin lacagta kirada. Milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha siinaya ogaysiis guri ka saariseed 30 maalmood ah si ama kirada u bixiyo ama guriga uga baxo. Kiraystuhu waa inuu lacagta kirada iyo illaa $75 oo khidmad daahitaan ah (haddii ay ku qornayd heshiiska kirada) ku bixiyaa muddada 30-ka maalmood ah (ugu dambay 31-ka Ogos) si uu guriga ugu sii jiro. Haddii kiraystuhu aanu lacagta ku bixin ugu dambayn 31-ka Ogos, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
- Kiraystuhu uma hogaansamin ogaysiiska u hogaansanka shuruucda kiraynta ama bannaynta guriga. (30 maalmood oo ogeysiis ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.1.b
- Tusaale: Heshiiska kirada waxa ku jira sharci odhanaya kiraystayaashu ma haysan karaan ey. Milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha siinaya ogaysiis guri ka saariseed 30 maalmood ah si ama sharciga ugu hogaansamo ama guriga uga baxo. Kiraystuhu waa inuu eyga guriga kirada ah kaga saaraa mudda 30-ka maalmood ah si uu guriga kirada ah ugu jiro. Haddii kiraystuhu sii wato inuu eyga guriga kirada ah ku haysto, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
- Kiraystaha ayaa helay ogeysiis guri ka bixitaan sababo burburin ama qalalaase dartood (burburin ama qalalaase waxa laga wadaa in dhismaha loo adeegsado hab aan macquul ahayn ama sharci darro ah sida soo saarista maandooriyayaasha, dab qabadsiinta guriga, iwm). (30 maalmood oo ogeysiis ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.1.c
- Tusaale: Kiraystaha ayaa si ula kac ah u burburiiyay dhammaan daaqadah guriga kirada ah. Milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha siinaya ogaysiis guri ka saariseed 30 maalmood ah si uu guriga uga baxo. Kiraystuhu waa inuu ka baxaa guriga dhammaadka muddada 30‑ka maalmood ah, xitaa haddii kiraystuhu joojiyo burburinta daaqadaha. Haddii kiraystuhu aanu guriga kaga bixin, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
- Milkiilaha guriga iyo/ama qoyskiisa dhow ayaa raba inay guriga u soo guuraan. (ogeysiiska 90-ka maalmood ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.3
- Milkiilaha gurigu waa inuu kiraystaha siiyaa ogaysiis 90 maalmood ah oo qoraal ah haddii milkiiluhu rabo in kiraystuhu guriga ka guuro si qoyskiisu u soo dego guriga. Haddii kiraystuhu aanu guriga kaga bixin muddada 90-ka maalmood ah, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
- Xubnaha qoyska dhow ee qodobka waxa ka mid noqon karaa saaxiib gogoleedka milkiilaha ee ku xusan cutubka 26.60 RCW ama lamaanaha milkiilaha, waalidiintiisa, carruurta ay awoowga/ayeeyada u yihiin, carruurtooda, walaalaha, ee milkiilaha ama lamaanaha milkiilaha, ama saaxiib gogoleedka millkiilaha.
- Waxa dhacaya ku xadgudub sharciyeed oo laga laaban karo (taas oo la macno ah waxa la go'aaminayaa in sharciga lagu xadgubday haddii aanu milkiilaha gurigu caddayn in aanay taasi dhicin)haddii milkiilaha guriga ama xubnaha qoyskiisa dhow aanay degenaan guriga ugu yaraan 60 maalmood oo isku xiga oo ka mid ah 90-ka maalmood ee ku xiga marka uu kiraystuhu ka baxo guriga.
- Milkiilaha guriga ayaa go'aansaday inuu gado guri hal-qoys geli karo. (ogeysiiska 90-ka maalmood ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.4
- Milkiilaha gurigu waa inuu kiraystaha siiyaa ogaysiis 90 maalmood ah oo qoraal ah haddii milkiiluhu rabo in kiraystuhu guriga ka guuro si uu u gado guri hal-qoys degi karo. Haddii kiraystuhu aanu guriga kaga bixin muddada 90-ka maalmood ah, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
- Waxa dhacaya ku xadgudub sharciyeed oo laga laaban karo (taas oo la macno ah waxa la go'aaminayaa in sharciga lagu xadgubday haddii aanu milkiilaha gurigu caddayn in aanay taasi dhicin)haddii:
- milkiiluhu aanu guri hal-qoys degi karo aanu iib uga diiwaangelin suuqa xorta ah muddo 30 maalmood ah ka dib marka kiraystuhu guriga ka baxo, ama
- milkiiluhu ka laabto iibinta guriga kirada ah, ka kireeyo guriga qof kale oo aan ahayn kiraystihii hore ee guriga ka baxay ama uu milkiiluhu si kale u muujiyio in aanu rabin inuu iibiyo guriga muddo 90 maalmood ah ka dib taariikhda kiraystuhu banneeyo guriga ama taariikhda guriga loo diiwaangeliyay iibka, hadba labada kii dambeeya
- Milkiilaha guriga ayaa u baahday inuu dayactir wayn ku sameeyo dhismaha (ogeysiiska 120-ka maalmood ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.5
- Milkiilaha gurigu waa inoo soo gudbiyo ugu yaraan codsi u buuxi oo uu ku dalbaday ugu yaraan hal rukhsad oo ka mida rukhsadaha Xeerka Degmada King Cinwaan 16 uu uga baahan yahay dayactirka.
- Tusaale: milkiilaha gurigu wuxu rabaa inuu dib u qaabayn ku sameeyo kijada iyo musqulaha ku yaalla guriga kirada ah sidaas darteed ay u baahdaan in kiraystuhu guriga ka baxo. Milkiilaha gurigu waa inuu kiraystaha siiyaa ogeysiis 120 maalmood ah oo kiraystuhu waa inuu guriga kaga baxaa muddada 120-ka maalmood ah. Haddii kiraystuhu aanu guriga kaga bixin muddadaas 120-ka maalmood ah, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
- Milkiilaha gurigu wuxu rabaa inuu dumiyo dhismaha, una beddelo hawlo ganacsi ama aan degaan ahayn. (ogeysiiska 120-ka maalmood ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.6.a
- Milkiilaha gurigu waa inuu helo rukhsadaha muhiimka u ah hawshan ka hor intaanu kiraystaha loo geyn ogeysiis.
- Tusaale: Milkiilayaasha gurigu waxay rabaan inay dumiyaan oo dhulka la simaan dhismaha. Milkiilaha guriga waa inuu kiraystaha siiyaa 120 maalmood oo uu guriga kaga baxo. Haddii kiraystuhu aanu guriga kaga bixin 120 maalmood, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
- Milkiilaha guriga ayaa go'aansaday inuu guriga u beddelo dhismayaal kiro wadaag ah. (ogeysiiska 120-ka maalmood ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.6.b
- Tusaale: Milkiilaha guriga ayaa raba inuu dhismaha u beddelo dhismayaal kiro wadaag ah. Sida uu qabo sharciga gobolka (RCW 64.34), milkiilaha gurigu waa inuu kiraystaha fursad u siiyaa inay gataan gurigooda kirada ah. Haddii kiraystuhu aanu rabin inuu gato guriga uu ku jiro, milkiilaha guriga waa inuu kiraystaha siiyaa 120 maalmood oo uu guriga kaga baxo. Haddii kiraystuhu aanu guriga kaga bixin 120 maalmood, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
- Milkiilaha gurigu wuxu rabaaa inuu dhimo tirada dadka degenaanka kara hal hoy ama guri si uu ugu hogaansamo xadka sharciga oo kiraystuhuna wuu ku fashilmay inuu taas u hogaansamo. (30maalmood oo ogeysiis ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.7
- Haddii gurigu leeyahay wax ka badan hal heshiis, milkiilaha guriga ayaa dooran kara heshiiska uu joojinayo, laakiin milkiiluhu ma joojin karo heshiiyo ka badan inta looga baahan yahay u hogaansanka sharciga.
- Tusaale: 10 qof ayaa ku nool guri kiro ah kuwaas oo heshiisyo kala gaar ah la leh milkiilaha guriga, laakiin sida sharciga deegaanku qabo, keliya saddex qof ayaa ku noolaan kara guriga. Milkiilaha guriga waa inuu kiraystayaasha siiyaa 30 maalmood oo ay guriga kaga baxaan. Milkiilaha gurigu sababtan uma adeegsan karo inuu ku saaro wax ka badan todobo qof. Milkiilaha guriga ayaa dooran kara todoba kirayste ee uu saarayo. Haddii kiraystayaashu aanay guriga kaga bixin 30 maalmood, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
- Milkiilaha guriga ayaa raba inuu degaanimada ka joojiyo qaybaha dheeraadka ah ee guriga (accessory dwelling unit, ADU) (ADU waxa sidoo kale loo yaqaana guryaha martida, guryaha soddohda, qaybaha hoose, iwm) (30 maalmood oo ogeysiis ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.8
- Tusaale: Milkiilaha gurigu wuxu rabaa inuu ADU u isticmaalo goob kayd ahaan. Milkiilaha guriga waa inuu kiraystaha siiyaa 30 maalmood oo uu ku baxo. Haddii kiraystuhu aanu guriga kaga bixin 30 maalmood, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
- Milkiilaha guriga ayaa helay ogeysiis iyo amar lagu soo saaray Cinwaanka 16 ama 23 ee Xeerka Degmada King (xeerarka sharciyada dhismaha/guriga) oo aan xadgudubyada la saxin oo ogeysiiska iyo amarku xaddidu isticmaalka kiraystuhu guriga ku sii degenaan karo. (30 maalmood oo ogeysiis ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.9
- Milkiilaha gurigu waa inuu muujiyo dhibaato caafimaad ama dhaqaale ka hor istaagaysa inuu milkiiluhu dayactirka loo baahan yahay sameeyo.
- Kiraystuhu gurigu wuxu ku sii jiri karaa haddu iskii u dayactirto guriga sida ku xusan RCW 59.18.100.
- Tusaale: xadhkaha korontada ee guriga kirada ah ayaad duqoobay, aan aamin ahay, waana sharci darro inay sidan sii ahaadaan sida xeerka dhismaha ee deegaanku qabaan. Milkiilaha gurigu muu xallin dhibaatada xadhka korontada sababtoo ah dhowaan ayaa waxa soo wajahday xaalad caafimaad oo degdeg ah taas gelisay kharash dhammeeyay lacagihii milkiilaha u kaydsanaa oo dhan. Degmada King ayaa milkiilaha guriga ku amartay in aan qofna guriga kirada ah ku noolaanin sababtoo ah aamin maaha. Milkiilaha gurigu kiraystaha wuu ka saari karaa guriga isagoo siinaya ogeysiis 30 maalmood ah, laakiin milkiilaha gurigu waa inuu caddayn karaa inaanu sababo caafimaad ama dhaqaale dartood u hagaajin karayn xadhkaha korontada. Haddii kiraystuhu aanu guriga kaga bixin 30 maalmood, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
- Milkiilaha guriga iyo kiraystuhu oo wada deggan hal dhisme ayaa milkiiluhu damcay inuu joojiyo heshiiksa kirada ee qaybta kiraystuhu guriga milkiilaha guriga kala degan yahay. (30 maalmood oo ogeysiis ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.10.a
- Tusaale: Milkiilaha guriga ayaa qol hurdo oo dheeraad ah oo ku yaalla guriga milkiilaha ka kireeyay qof kirayste ah. Milkiilaha gurigu kiraystaha wuxu ku saari karaa sabab kasta ka dib markuu siiyo ogeysiis 30 maalmood ah. Haddii kiraystuhu aanu guriga kaga bixin 30-kaas maalmood, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
- Milkiilaha guriga ayaa raba inaanu hadda ka dib kirayste ka kireyn qaybaha dheeraadka ah ee guriga (ADU waxa sidoo kale loo yaqaana guryaha martida, guryaha soddohda, qaybaha hoose, iwm) (30 maalmood oo ogeysiis ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.10.b
- Milkiilaha guriga ayaa raba inaanu hadda ka dib joojiyo heshiiska kirada ee kirayste deggan guri hal-qoys iyadoo milkiiluhu deggan yahay qaybaha dheeraadka ah ee guriga (ADU waxa sidoo kale loo yaqaana guryaha martida, guryaha soddohda, qaybaha hoose, iwm) oo hal dhisme ku wada yaalla. (30 maalmood oo ogeysiis ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.10.c
- Kiraystaha, ama cid uu kiraystuhu dhismaha ka sii kireeyay, kiro hoosaadle, dadka guriga deggan, ama marti ayaa, iyagoo ogolaanshaha ka haysta kiraystaha, faldambiyeed ku galay guriga ama agagaarkiisa ama aagaga dadwaynaha ee ku hareeraysan guriga. (30 maalmood oo ogeysiis ah) Galista faldambiyeed waxa loola jeed in lagu kaco:
- ficil la xiriira maandooriye ku xadgudbaya cutubyada 69.41, 69.50, ama 69.52 RCW
- ficil dambi ah marka la fiiriyo sharciyada gobolka laakiin taasi waa kaliya haddii dambigu si wayn u saameynayo caafimaadka ama badqabka qof, taas oo la macno ah:
- ficilku wuxu khatar wayn ku yahay badbaado jireed ee qof uun;
- ficilka wuxu khuseeyaa gacanqaad lagula kacay qof kale kaas oo dhaliyay xarig;
- ficilka wuxu khuseeya isticmaalka sharci darrada ah ee hub ama saanad kale oo khatar ah sida ku cad RCW 9A.04.110 taas oo dhalinaysa xarig; ama
- ficilku wuxu dad ugu yaraan degan laba ama ka badan oo guri oo dhismaha ka mid ah amni darro taas oo dhaawici karta ama khatar gelin karta badbaadada ama caafimaadka dadka ku nool ugu yaraan laba ama ka badan oo guri.
- Maxkamadu waxay xaaladda faldambiyeedka dhalisay u eegaysaa si guud.
- Tusaale: Kiraystaha saaxiib ayaa xabbad ku toogtay gidaarka isagoo guriga kirada ah ku jira. Milkiilaha gurigu wuu saari karaa kiraystahaas ka dib markuu siiyo ogeysiis 30 maalmood ah. Haddii kiraystuhu aanu guriga kaga bixin 30 maalmood, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
- Kiraystaha ayaa si u kas ah dhismaha u soo geliyay xayawaan horornimadiisa lagu caddeeyay Cinwaanka 11 ee Xeerka Degmada King si uu guriga ugu joogo. (30 maalmood oo ogeysiis ah) Xeerka Degmada King 12.25.030 A.12.i, 12.25.030 A.12.ii
- Tusaale: Ey kiraystuhu leeyahay ayaa qof qaniinay. The Regional Animal Services (Waaxda Adeegyada Xayawaanada Gobolka) ee Degmada King ayaa baaray dhacda oo go'aamiyay in eygu ahaa xayawaan horor dad cun ah. Kiraystuhu ayaa sii haystay eygii, isagoo og in la sheegay inuu horor dad cuna yahay. Milkiilaha gurigu wuxu kiraystahaas ku saari karaa sii haysasha eyga ka dib markuu siiyo ogeysiis 30 maalmood ah. Haddii kiraystuhu aanu guriga kaga bixin 30 maalmood, milkiilaha gurigu wuxu kiraystaha guriga uga saari karaa nidaam maxkamadeed.
Ogeysiisyada guri ka saarista waa inay ku jiraan macluumaad ku filan si kiraystuhu uga falcelin karo oo isaga difaaci karo eedaymaha ku yaalla ogeysiiska. Tusaale ahaan, milkiilaha guriga ma bixin karo ogeysiis guri ka saariseed sababtiisu tahay ku xadgudubka heshiiska kirada iyada oo aanu cayimin qaybta gaarka ah ee heshiiska lagaga xadgudbay. Xeerka Degmada King 12.25.030(C)
Ka Bixitaanka Guriga
- Bixinta Ogeysiiska
- Soo Celinta Lacagta Horumarinta ah
Bixinta Ogeysiiska
Kiraystayaasha ku jira heshiis kiro bil-ka-bil ah waxa laga rabaa inay soo gudbiyaan ogeysiis qoraal ah oo ugu yaraan 20 maalmood ka horreeya maalinta ugu dambaysa ee bisha ay rabaan inay guriga ka baxaan. Tusaale ahaan, haddii kiraystuhu rabo in bisha ugu dambeynaysa heshiiskiisa kiradu noqoto Ogos, kiraystuhu wuxu u baahan doonaa inuu milkiilaha guriga u gudbiyo ogeysiis qoran ugu dambeyn 11ka Ogos. RCW 59.18.200
Kiraystayaasha ku jira heshiisyo muddaysan, sida heshiisyada laba-iyo-toban biloodlaha ah, waxay tixraaci doonaan heshiiskooda si ay u ogaadaan muddada ogeysiiska ah ee laga rabo inay milkiilaha guryahooda ku wargeliyaan ka hor intaanu dhammaan heshiiskooda kiradu.
Soo Celinta Lacagta Horumarinta ah
Milkiilayaasha guryuhu waa inay muddo 21 maalmood ah ka dib bannaynta guriga ku soo celiyaan lacagaha horumarinta ah ama qoraal ahaan kiraystaha ugu sheegaan sababta lacagaha horumarinta ah loola hadhay. Milkiilayaasha guryuhu kuma dallaci karaan kiraystaha kharashka duqoobida iyo idlaadka caadiga ah ee guriga ku yimaadda.
Haddii milkiilaha gurigu aanu lacagaha horumarinta ah ku soo celin ama waraaq qoraal ah ku keenin muddo 21 maalmood ah, milkiilaha gurigu waa inuu lacagta horumarinta oo dhan u soo celiyo kiraystaha. Milkiilaha gurigu sidoo kale ma qaadi karo tallaabo kale oo u ku haysanayo lacagaha horumarinta. Milkiilayaasha guryaha ee aan raacin sharcigan waxa sidoo kale laga qaadi karaa ganaaxyo. RCW 59.18.280