TILMAAMAHA LOOGU TALAGALAYMOOSHINKA IYO AMARKA KA DHAAFITAANKA KHIDMADAHA FAYL GAREYNTA
Haddii aad aaminsan tahay inaadan awoodin inaad bixiso khidmadda madaniga ah iyo khidmadaha la xiriira ee dacwaddaada madaniga ama tan qoyska, waxaad codsan kartaa inay maxkamadda ka tanaasusho. Si loo go'aamiyo haddii maxkamadu qarashka kaa dhaafi karto iyo in kale, maxkamadu waxay fiirinaysaa inaad iska bixin karto iiyo inkale. Marka sidaas la sameynaayo, maxkamaddu waxay codsan kartaa jadwalka helitaanka maaliyadeed oo ku saleysan 125% ee Heerka Saboolnimada ee Federaalka (hoos fiiri). Haddii ay jiraan codsi wadajir ah oo ku saabsan arrinta sharciga qoyska, dakhligaaga waxaa lagu dari doonaa dakhliga xaaskaaga/saygaaga si loo go'aamiyo u-qalmitaanka iyo ka dhaafitaanka khidmadda.
Hase yeeshee, maxkamaddu waxay sidoo kale kaa dhaafi kartaa shuruudaha adigu inaad bixiso khidmadaha haddii dakhligaagu ka sarreeyo marinnada hoose, laakiin ay ogaato inaad haysato kharashyada aasaasiga ah ee nolosha kuwaas oo kaa dhigaaya inaadan awoodin inaad bixiso khidmadaha, ama way iska dhaafi kartaa khidmadaha haddii ogaato inay jiraan duruufo kale oo khasab ah oo sidaas lagu sameeyo. Haddii uu wakiil kaa yahay Adeeg bixiye Sharci oo Caalami ah, adeeg bixiyahaasi waxa uu heli karaa ka dhaafitaan khidmad ah isagoo soo bandhigaya foomamka loogu talagalay in loo isticmaalo.
| Tirada Xubnaha Qoyska | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 ama ka badan |
|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
| Dakhliga Bisha ee Ugu Badan* | $1,663 | $2,254 | $2,846 | $3,438 | $4,029 | $4,621 | $5,213 | $5,804 | Kudar $592 oo loogu talagalay halkii qof oo dheeraad ahba |
| Dakhliga Sanadka ee Ugu Badan* | $19,950 | $27,050 | $34,150 | $41,250 | $48,350 | $55,450 | $62,550 | $69,650 | Kudar $7,100 oo loogu talagalay halkii qof oo dheeraad ahba |
* “Dakhliga” waxaa loola jeedaa guud ahaan khrashka aad hesho, marka laga jaro canshuurta iyo kharashaadka daryeelka ilmaha.
Maxkamadu sidoo kale waxay jari kartaa kharashka haddii aad hadda helayso kaalmo iyada oo loo eegaayo barnaamij ku saleysan baahiyo, barnaamij caawimaad sida soosocota:
- Caawimaada Qoyska ee Kumeel gaarka ah Looguna Talagalay Qoysaska Baahan (TANF)
- Caawimaada gobalku siiyo shaqsiyaadka aan haysan shaqada (GA-U ama GA-X)
- Dakhliga Dheeraadka ah ee Amniga Federaalka (SSI)
- Gunooyinka halyeeyga ee la xiriira saboolnimada
- Barnaamijka Kaarka cuntada (FSP)
Haddii aad u isticmaaleyso mid ka mid ah waxyaabaha kor ku xusan oo loogu talagalay dhaafidda khidmadaha xareynta dacwada, fadlan la imoow caddeyn, sida nuqul warqaddii abaalmarinta dheefaha ee dhowaanta aad heshay.
FOOMAMKA LA ISTICMAALO:
Maxkamadu waxay isticmaashaa foomam rasmi ah oo loogu talagalay kharash dhaafitaanka, oo ay tahay inaad isticmaasho inkastoo laga yaabo inaad meel kale kusoo isticmashay. Foomamka waxaa si bilaash ah looga heli karaa Xafiiska Karaanniga (E609), ama khadka tooska ah (www.courts.wa.gov/forms/?fa=forms.contribute&formID=87).
- Mooshin iyo Amar si loo dhaafo khidmadaha iyo qarashyada rayidka ah
- Bayaanka Kharashaadka (Haddii aad hadda hesho dheefo ku saleysan baahiyo, gunooyin la tijaabiyay sida kor lagu soo sheegay, uma baahnid inaad buuxiso foomkaan.)
TILMAAMAHA:
Si buuxda u buuxi foomamka si aad ugu darto amarka. Maxkamaddu ma dhamaystiri doonto kharashka amarka ka-dhaafitaanka. Xaqiiji inaad saxiixdo oo taariikhda ku qorto Mooshinka iyo Amarka oo aad buuxiso foomka "Bayaan Maaliyadeed" ama aad hesho koobiga warqadda abaal-marinta gunnooyinka ee dhawaan. Waa inaad sidoo kale haysataa dukumeentigaaga asalka ah ee loo baahan yahay si kiiskaaga loo bilaabo. Dukumentiyada loo baahan yahay si loo bilaabo (tusaale: Codsiyada, Cabashooyinka, iyo Foomka Aagga Meelaynta Kiiska iyo Tusmada Dacwadaha Xaashiyaha, Foomka Macluumaadka Qarsoodiga ah,) foomamka intooda badan waxa laga heli karaa https://kingcounty.gov/en/dept/dja/courts-jails-legal-system/court-forms-document-filing/forms and for family law forms at http://www.courts.wa.gov/forms/?fa=forms.static&staticID=14.
Haddii wakiilku saxiixo Amarka, Waxaad awoodi doontaa inaad kiiskaaga soo gudbiso adoon bixin wax lacag ah. Haddii la diido lacag dhaafitaanka, waxaa lagaa doonayaa inaad bixiso lacagta buuxinta dacwada kiiskaaga. Haddii la ogolaado, karraaniga ayaa bilaabi doona kiiskaaga; wuxuu kuu soo diri doonaa nuqulka amarkaaga la ansixiyay, lambarka kiiska iyo jadwalka kiiska haddii uu ku khusayso isagoo isticmaalaya habka aad ku tilmaantay xaashida. Haddii la diido, karraaniga wuxuu soo celin doonaa nuqulka amarka diidmada isagoo isticmaalaya habka lagu tilmaamay xaashida wuxuuna dib kuugu soo diri doonaa dukumeentigaaga asalka ah.
U Keenista Dukumentiyada Qof Ahaan ama Ku Soo Dirista Boostada ee mid ka mid ah goobaha hoose
King County Superior Court
(Maxkamadda Sare ee Degmada King County)
Attn: Clerks Office
516 Third Avenue Room E609
Seattle, WA 98104-2386
Maleng Regional Justice Center
(Xarunta Garsoorka Gobolka Maleng)
Attn: Clerks Office
401 Fourth Avenue N, Room 2C
Kent, WA 98032
Xafiiska Karraaniga Maxkamadda Sare ee Degmada King County wuxuu furan yahay 8:30 subaxnimo - 4:30 galabnimo isagoo bixiya adeeg xaddidan inta u dhaxaysa 12:15 - 1:15 galabnimo.
U Gudbinta Dukumentiyada Qaab Elektroonig ah
Tilmaamaha ku aadan sida “Loo Bilaabo kiis cusub oo ah ka dhaafitaanka khidmadda” waxaa laga heli karaa bogga karraaniyada ee "Khidmadaha & Ka-dhaafitaanka" https://kingcounty.gov/en/dept/dja/courts-jails-legal-system/courts-financial/fees-payments/fee-waiver.
Translate