Maclummaadka State v. Blake
Waa maxay State v. Blake?
Fikirka ay Maxkamadda Sare ee Washington dhawaan ay ka muujisay State v. Blake, Lambarka. 96873-0 (Febraayo. 25, 2021), ayaa noqday in RCW 69.50.4013 iyo xeerarkii ka horreeyay (oo si wadajir ah u noqonaya "RCW 69.50.4013" ama "lahaanshaha fudud") ay yihiin kuwo aan dastuuri ahayn. Tani waxay keentay tiro aan horay loo arag oo ah mooshino ah oo xukunka kadib ah kuwaas oo lagu raadinayo in la kansalo xukunka.
Miyaan u baahanahay inaan sameeyo wax si loo kansal gareeyo dembiga daroogo haysashada ee la igu haysto?
Maya, dhammaan xukunnada ku aadan haysashada maandooriyaha ee uu saameeyay xukunka State v. Blake ee Maxkamadda Sare ee Degmada King waxa dib u eegi doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha, Maxkamadduna waxay geli doontaa amar lagu kansal gareynayo iyadoo lagu saleynayo taariikhda xukunka (iyadoo laga soo bilaabayo midkii ugu dambeeyey ilaa kan ugu da'ada weyn).
Waxaad hubin kartaa galkaaga dacwadeed si aad u aragto in amarka la geliyey kiiskaaga adiga oo isticmaalaya bogga gelitaanka xogaha karraaniga ee halkaan. (bogga ku lifaaqan lama turjumin.)
Haddii aad dhibaato kala kulanto helitaanka kiiskaaga, waxaad nagala soo xiriiri kartaa:
- iimaylka: clerksofficecustomerservice@kingcounty.gov
- taleefanka: 206-296-9300
Maxaa dhacaya kadib marka xukunkayga la kansal gareeyo?
Marka amarka kansal gareynta la bixiyo karraaniga wuxuu cusboonaysiin doonaa diiwaanka maxkamada wuxuuna nuqulka amarka u diri doonaa Ilaalada Gobolka Washington si ay u cusboonaysiiyaan diiwaankooda.
Yaa u qalma lacag soo celinta?
Lacag-celinta waxa la dalbadaa keliya marka xukunka(xukunada) ku aadan kiisku ay ku saabsan yihiin haysashada maandooriyaha. Wixii LFO-yp ah ee laga bixisay kiiskaas waxaa loo soo celin karaa eedaysanaha; kadib marka codsiga uu helo oo uu ansixiyo karraaniga.
Lacag celinta kiisaska la xiriira xukunka haysashada maandooriyaha iyo xukun kasta oo kale laguma samayn karo hannaankan. Haddii aad aaminsan tahay in ay tahay in lacag celin la dalbado, fadlan kala tasho qareenkaaga ama Waaxda Difaaca Dadweynaha kala xiriir
- iimaylka: DPDBlakeRequest@kingcounty.gov
- taleefan: 206-296-7662 ama wicitaan bilaasha ah 1-844-935-3534
Sideen u codsadaa lacag celin?
- Xaqiiji in amarka lagu kansal gareynayo xukunka dembiga la geliyey kiiskaaga(kiisaskaaga).
- Haddii aad hore LFO-yo ugu bixisay lacag, waxaad lacag celin u codsan kartaa mid ka mid ah saddexda hab ee hoose:
- Iimaylka: Foomka codsiga oo dhammaystiran iyo caddaynta aqoonsiga ku dir: DJA-BlakeRefund@kingcounty.gov
- Boostada: Soo dejiso, daabac, oo buuxi codsiga, bixi caddaynta aqoonsiga, oo ku soo dir cinwaanka hoose.
- Qof ahaan: Booqo xafiiskayaga si aad u buuxiso codsiga oo aad u tusto caddaynta aqoonsiga.
516 Third Avenue, Rm E-609
Seattle, WA 98104
Sideen ku heli karaa lacagtayda?
Marka karraaniga uu ansixiyo arjiga lacag celinta, lacag celinta waxaa lagu soo saari doonaa kaarka dhibitka ama jeeg ahaan. Fadlan warqadda codsiga ku sheeg xulashada/qaabka aad jeclaan lahayd in lacagta laguugu soo diro.
Ma heli kartid miyaa waxaad u baahan tahay?
Eeg kheyraad/macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan State v. Blake ama ogow sida loola xidhiidho qareen. (bogga ku lifaaqan lama turjumin, laakin caawimada tarjumaada bilaashka ah ayaa laga heli karaa Waaxda Difaaca Dadweynaha.)
Translate