Skip to main content
close

KingCounty.gov is an official government website. Here's how you knowexpand_moreexpand_less

account_balance

Official government websites use .gov

Website addresses ending in .gov belong to official government organizations in the United States.

lock

Secure .gov websites use HTTPS

A lock lock or https:// means you've safely connected to the .gov website. Only share sensitive information on official, secure websites.

Soo celinta warqaddayda codbixinta

Waad codeyn kartaa oo aad u soo celin kartaa warqaddaada codbixinta sida ugu dhaqsaha badan isla markii aad hesho. Soo celinta warqaddaada codbixinta sida ugu dhaqsaha badan waxay fududeynaysaa in la helo wakhti lagu saxo wixii dhibaato ah ee ka jira saxiixaaga si aan u tirino warqaddaada codbixinta. Warqaddaada codbixinta waxaad ku soo celin kartaa boostada ama sanduuqa lagu rido warqadaha codbixinta.

 Sanduuqyada lagu rido warqadda codbixinta

Warqaddaada codbixinta ku soo celi sanduuqa lagu rido warqadaha codbixinta, looma baahna istaambada boostada. Warqaddaada codbixinta waa in lagu soo celiyaa sanduuqa lagu rido warqadaha codbixinta ugu dambeyn 8 p.m.  fiidnimo ee Maalinta Doorashada. Goor hore sii qorsheyso si aad uga fogaato safka.

Boostada

Istaambada boostada looma baahna si aad u soo celiso warqaddaada codbixinta! Waad codeyn karta oo aad soo celin kartaa warqaddaada codbixinta adigoo soo marsiinaya Adeegga Boostada ee Mareykanka sida ugu dhaqsaha badan isla markii aad hesho. Waxaan kugula talineynaa inaad warqaddaada codbixinta boostada ku rido ugu dambeyn Jimcaha ka horeysa Maalinta Doorashada si loo xaqiijiyo in wakhtigii loogu tala galay loogu calaamadeeyo shaabadda boostada si warqaddaada codbixinta loo tiriyo. Warqaddaada codbixinta waa in shaabadda boostada lagu calaamadeeyaa ugu dambeyn Maalinta Doorashada.

Xarumaha Codbixinta

Xarumaha codbixinta Degmada King ayaa diyaar u ah codbixiyeyaasha u baahan in laga caawiyo dhammeystiridda warqaddooda codbixinta. Shaqaalo tababaran iyo agab gaar ah ayaa diyaar u ah si gacan looga siiyo codbixiyeyaasha naafada ah si ay u dhiibtaan codbixin kharsoodi ah, oo madax banaan.

Related Topics

expand_less