Skip to main content

KingCounty.gov is an official government website.

Official government websites use .gov
Website addresses ending in .gov belong to official government organizations in the United States.
Secure .gov websites use HTTPS
A lock or https:// means you've safely connected to the .gov website. Only share sensitive information on official, secure websites.

Tilmaamaha Lacag Bixinta

Gacaliye Macaamiil:

Xogtan waxaa laguu siiyay si ay kaaga caawiso oo ay kuu sharaxdo mas'uuliyaddaada dhanka la shaqaynta Maxkamadda Sare ee Deegaanka King County [King County] ee gacanta kula jira lacagta ganaaxa ee lagugu yeeshay ee waajibaadyadaada lacagta sharciga (LFO) ee dib u celinta, kharashka maxkamadda iyo wixii ganaax ah ee lagu leeyahay.

Fadlan nala soo xiriir wakhti alla wakhtigii aad rabto si aan uga wada hadalno waajibaadka adiga ku saaran ee lacagta adiga lagugu leeyahay, qorshaha tartiib-tartiib u bixinta, marka cinwaankaaga aad beddesho ama wixii kale ee anigu aan wax kaala qaban karno. Waxaan furan nahay Isniinta – Jimcaha, 7:00 a.m. - 5:00 p.m. ka soo wac 206-477-0818.

XOG MUHIIM AH:

Si aan si wanaagsan u wada shaqayno, waa in aad karaaniga LFO aad ku soo wargelisaa haddii cinwaanka boostada aad beddesho. Si cinwaanka aad u beddesho waxaad ku samayn kartaa adiga oo soo waca, boosto warqad ku soo dira ama qatka internetka ayaad ku beddeli kartaa http://www.kingcounty.gov/depts/dja/courts-jails-legal-system/courts-financial/fees-payments/lfo.

SI TOOS AH U BIXINTA LACAGTA

XOG MUHIIM AH: Ma ogolaan karno in aad ku bixiso jeeggaga caadiga ee adiga aad iska leedahay (personal checks). Lacagta money orderka ama jeega (cashier's ceck) ku soo qor: “King County Clerk”

Lacagta waxaa lagu bixin karaa kaarka lacagta kaashka ah ama kaarka deynta. Shaqsi ahaan lacagta waxaad ku bixin kartaa adiga oo yimaada Isniinta illaa Jimcaha, 9:00 ilaa 4:30 labadan meel midkooda ayaad imaan kartaa: (Maxkamada Dhalinyarada [Da’yarta] way xiran yihiin saacaddaha qadada laga bilaabo 12:15-1:15 pm)

Maxkamada Deegaanka King
(King County Courthouse)
Xafiiska Karaaniga – 6th Floor
516 3rd Ave, Room E-609
Seattle, WA 98104
Xarunta Cadaalada Gobolka
(Regional Justice Center)
Xafiiska Karaaniga – 2nd Floor
401 4th Ave N, Room 2C
Kent, WA 98032
Clark Carruurta & Xarunta Caddaaladda Qoyska
(Clark Children & Family Justice Center)
Xafiiska Karaaniga – 3rd Floor
1211 East Alder, Room 3015
Seattle, WA 98122

KU BIXINTA LACAGTA OONLEENKA

My Account | KC-Script Portal

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan lacag ku bixinta oonleenka waxaa laga heli karaa:
http://www.kingcounty.gov/dept/dja/courts-jails-legal-system/courts-financial/fees-payments/lfo

LACAGTA MARKA AAD BOOSTADA KU SOO DIRAYSO

Lacagta money orderka ama jeega (cashier's ceck) ku soo qor: “King County Clerk” oo jeega ku soo dir cinwaankan:

King County Courthouse
ATTN: Cashiers
516 3rd. Ave, Room E-609
Seattle, WA 98104

Bogga hore ee jeega (money order) ama jeega (cashier's check), ku soo qor:

  1. Magacaaga sida ku qoran warqadda maxkamadda ay soo dirtay ama lagaa siiyay
  2. Lambarka dacwadda kiiska (case number) kasta ee aad lacagteeda iska bixinnayso
  3. Inta $ lacag ee aad bixinnayso kiis lambar kasta ku hor qor

Haddii aad rabto in rasiidka aan kuu soo dirno, jeega aad soo dirayso soo raaci baqshad cinwaankaaga ku qoran oo farangaboolana ku dhegan soo raaci. Aad baan kaaga mahad celinnaynaa dareenka aad siinaysid xogtan, waxaanna rajaynaynaa in aan sida wanaagsan kaaga caawin karno Waajibaadyada Lacagta Sharciga ee lagugu yeesho.

Qor sida aad u aragto turjumaadaan