Barnaamijka Uruurinta Waajibaadka Maaliyadeed ee Sharciga ah
Waajibaadka Maaliyadeed ee Sharciga ah (LFO)
- Magdhowga waa kharashaadka ay maxkamaddu qofka kor ka saarto si loo magdhabo dhibbanayaasha ku dhaawacmay iyo/ama ay khasaaro ka soo gaartay hanti kuwaas oo ka dhashay dembiga.
- LFO-yada aan magdhowga ahayn waa khidmadaha iyo ganaaxyada ay maxkamaddu amartay in la bixiyo. Kharashyada iyo ganaaxyada ugu caansan waa khidmadaha Qiimaynta Ciqaabta Dhibbanaha iyo xogta DNA-ga. Waxyaabaha kale waxay ka koobnaan karaan waxyaabo ay ka mid yihiin kharashyada, kharashyada difaaca ama kharashka xeerbeegtida maxkamadda.
- Dulsaarka ayaa ku darsamaya LFO-yada laga bilaabo taariikhda xukunka iyo inta lagu jiro dhammaan muddada xabsiga, ama ilaa lacagta oo dhan loo bixiyo si buuxda. Qiimaha hadda ah waa 12% sannadkii.
- Ujrada lacag aruurinta ayaa lagu dari karaa.
Shaqaalaha Barnaamijka Ururinta LFO-yada
Shaqaalaha Barnaamijka Ururinta LFO-yada waxay had iyo jeer ku dadaalaan inay bixiyaan heerka ugu sarreeya ee adeegyada lacag ururinta. Waxaan ku dadaalnaa inaan xaqiijino in eedaysanayaasha ay ka warhayaan heerka ay marayso deynta lagu leeyahay iyo in dhibanayaasha ay sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah u helaan magdhowgooda maxkamadeed.
HAWLAHA BARNAAMIJKA
Qorshaynta iyo kormeerida ururinta lacagaha LFO ee ay maxkamaddu amartay ee ku saabsan xukunnada dembiyada dadka waaweyn ee lagu soo go’aamiyey Maxkamadda Sare ee Degmada King County.
FAA'IIDOOYINKA BARNAAMIJKA
- Uruurinta magdhowga loogu talagalay dhibbanayaasha.
- Ururinta lacagaha la amray ee faa'iidada u leh barnaamijyada kale (sida, dhibanayaasha dambiyada, sanduuqa daroogada, iyo kharashyada maxkamadda).
- U hoggaansanaanta lacag-bixinta iyo shuruudaha kale ee xukumada, si loo hagaajiyo fursadaha dib-u-soo-celinta guusha leh.
Dhibanayaasha Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo
- Yaa ka mas'uul ah ururinta magdhawga?
- Waaxda Asluubta (DOC) ayaa mas'uul ka ah ururinta waajibaadka maaliyadeed ee sharciga ah (LFO-yada) inta eedaysanuhu uu ku jiro ilaalinta DOC ama xabsiga DOC (xabsiga). Inta xabsiga lagu hayo haddii lacagaha lagu shubo Koontada eedaysanaha ee lagu leeyahay LFO-yada, DOC waxay inta badan 20% ka jartaa deebaajiga si loogu bixiyo LFO-yadooda.
- Kadib marka eedaysanaha laga sii daayo kormeerka iyo/ama xabsiga, Xafiiska Karaaniga ayaa ka mas'uul noqonaya ururinta shaqada.
- Eedaysanuhu ma si toos ah buu maghowga u siin karaa dhibbanaha?
- Maya, eedaysanuhu wuxuu si toos ah u magdhowga u siinayaa Xafiiska Karaaniga. Xafiiska karraaniga ayaa markaa soo saari doona jeeg isla markaana oo u diri doona dhibbanaha. Habraaca wuxuu qaadan karaa dhowr toddobaad.
- Sideen u heli doonaa magdhowgayga?
- In kasta oo magdhowga uu ka mid noqon karo xukun ama amar maxkamadeed, dhibbanayaasha looma dammaanad qaadayo helitaanka lacagta. Lacag-bixinta waxay ku xiran tahay inta ay le'eg tahay ilaha dhaqaale ee eedaysanuhu haysto. Uruurinta magdhowga waxay arrin adag oo wakhti dheer qaadata u noqon kartaa dhibbanayaasha isku dayaya inay u soo kabtaan shucuur ahaan, jir ahaan iyo dhaqaale ahaanba kadib fal-dembiyeed lagula kacay.
- Qaybinta magdhawga laga soo qaaday eedaysanaha waxay caadi ahaan dhici doontaa 15 maalmood gudahood kadib marka uu karraaniga helo lacagta. Haddii ay dhacdo in ay jiraan dhibanayaal badan, caddadka lacag-bixinta ayaa loo qiimeyn doonaa dhibbane kasta marka la bixiyo lacagta.
- Karraaniga ma bixiyo jeegag ka lacag yar $10.00 oo loogu talagalay halkii dhibane sababtoo ah taasi dhaqaale ahaan macquul maaha. Sidaa darteed, karraaniga ayaa sugi doona ilaa inta laga helayo lacag intaas ka badan oo la bixiyo. Aad bay muhiim u tahay in xafiiska karraaniga uu haysto ciwaankaaga saxda ah si lacag bixinta loogu soo gudbiyo sida ugu dhakhsaha badan.
- Dhibbane ahaan, sidee ayaan cinwaankayga ama magacayga ugu cusbooneysiin karaa maxkamadda?
- Waxaad u baahan doontaa inaad dukumentiyada wax ka bedelka cinwaankaaga ama magacaaga siiso Xafiiska Karaaniga. Tilmaamaha la soo dajin karo ayaa laga heli karaa halkaan.
- Maxaa dhacaya haddii eedaysanuhu uu ku guuldareysto inuu bixiyo lacagta?
- Haddii eedaysanuhu leeyahay ilo dhaqaale oo uu ku guuldareysto inuu bixiyo lacag-bixin waqtigii loogu talagalay, tallaabooyinka la qaadi karo waxaa ka mid noqon kara, laakiin aan ku xaddidnayn kuwan soo socda: 1) wax-ka-qabashada ama ku-xiritaanka mushahar ama hanti kale, 2) hanti-hayn, 3) Ogeysiiska xad-gudubka ee sababi kara in la soo hortaago maxkamada, iyo 4) dhibbanuhu wuxuu sidoo kale xaq u leeyahay inuu iskiis u raadsado ururinta lacagta (hoos eeg).
- Maxaa dhacaya haddii aan rabo inaan aniga raadsado soo qaadasho magdhowga?
- Waxaad magdhowga uga raadsan kartaa eedaysanaha si la mid ah xukunka madaniga ah. Tani waa xuquuqdaada dhibane ahaan. Dhammaan lacagaha la soo ururiyo waa in lagu shubaa Diiwaanka Maxkamadda si loogu qaybiyo dhibbanayaasha iyo dayactirka saxda ah ee diiwaannada xisaabaadka.
Eedaysanayaasha: Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo
- Maan helin bayaan xisaabeed. Maxaan sameeyaa?
- La xiriir shaqaalaha Adeegga Ururinta LFO-yada si aad u ogaato haddii aanu hayno ciwaankaaga hadda. Adiga ayaa mas'uul ka ah bixinta lacag-bixinaha billaha ah waxaadna u baahan doontaa inaad soo xasuusato inaad bixiso xitaa haddii aadan helin bayaan xisaabeedka. Bayaannada waxaa lagu soo diri doonaa boostada saddexdii biloodba mar iyadoo la isticmaalayo cinwaankaagii ugu dambeeyay ee la yaqaan. Bayaan kastaa wuxuu ka koobnaan doonaa saddex baqshadood oo casaan ah oo loogu talagalay lacagaha lagu soo diro boostada (hal loogu talagalay mid kasta oo ka mid ah saddexda bilood ee soo socota).
- Maxay tahay sababta haraaga ku qoran biilkayga ama warqadda aan helay uu uga sarreeyaa wixii aan u malaynaayay in la igu leeyahay?
- Waxaa laga yaabaa in lagugu amray inaad bixiso magdhow xilliga la dhagaysiga xukunka. LFO-yada waxaa fuulaya dulsaar dhan 12% sanadkiiba, laga bilaabo taariikhda xukunka ilaa lacagta oo dhan looga bixinayo si buuxda. Kharashka lacag ururinta ayaa laga yaabaa in lagu daro. Maxkamadda rafcaanka ayaa laga yaabaa inay kharash ku darto amarka.
- Waa maxay sababta ay eedaysanayaashu u bixin waayaan saamigooda siman ee magdhowga?
- Guud ahaan, dhammaan eedaysanayaasha wadajirka ah ayaa mas'uul ka ah wadarta guud ee magdhowga ee lagu leeyahay ilaa inta loogu bixinayo si buuxda.
- Ma samayn karaa qorshe lacag-bixineed?
- Haa, kiisaska intooda badan sidaas ayaa la yeelaa. Waxaad codsan kartaa in qorshaha lacag bixinta lagu saleeyo dakhligaaga hadda. Wac shaqaalaha Adeegga Ururinta LFO-yaa kaas oo ku caawinaya (sida ku salaysan magacaaga dambe). Waxaa lagu weydiin doonaa inaad buuxiso foomka Baaq-jeedinta maaliyadeed iyo inaad la soo celiso dukumentiyada taageerada u ah ee loo baahan yahay. Maskaxda ku hay in si aad u aragto lacagtaada LFO ee kugu taagan oo hoos u dhacdaysa, lacagta aad bixinayso bishii waa inay ka badnaataa dulsaarka fuulaya lacagtaada bishiiba iyo khidmadaha lacag ururinta.
- Ma bixin karaa lacagta aniga oo isticmaalaya adeegga Bixinta Biilasha Khadka Tooska ah ee Bangigayga?
- Maya. Si kastaba ha ahaatee, waxaad iska diiwaangelin kartaa lacag-bixinada tooska ah adigoo isticmaalaya hannaanka wareejinta lacagta elektarooniga ah (EFT). Waa inaad u ogolaataa xafiiska karraaniga inuu lacagaha si toos ah ugala noqdo akoonkaaga bangiga. Si taas loo sameeyo, buuxi Oggolaanshaha Lacag-bixinta Otomaatigga ah oo ku soo celi Xafiiska Karaaniga.
- Maxaa dhacaya haddii aanan bixin karin lacagta?
- Maxkamaddu waxay doonaysaa inay aragto lacag-bixinno joogto ah oo bil walba la bixiyo. Haddii aadan awoodin inaad lacagaha u bixiso si joogto ah bil kasta, wac shaqaalaha Adeegga Ururinta LFO ee loo xilsaaray kiiskaaga.
- Maxaa dhacaya haddii aan bixiyo lacag dheeraad ah?
- Haddii la go'aamiyo in lacag-bixin dheeraad ah la sameeyay, jeeg lacag celin ah ayaa la soo saari doonaa waxaana lagu soo diri doonaa cinwaankaaga faylka ku jira.
- Maxaa dhacaya haddii aanan ku raacsanayn baaqiga soo haray ama aan u malaynayo inay jiraan lacag-bixinno maqan?
- Waxaad u baahan doontaa inaad lacag-bixintaada la barbardhigto liiska lacag-bixinta ee maxkamadda ay hayso oo aad bixiso caddaynta ah in akoonkaaga uu khalad ku jiro. Tusaalooyinka "caddaynta" waxay noqon karaan rasiidyada maxkamadda ama koobiga bogga hore iyo gadaal ee dalabka lacagta la joojiyay ama jeega khasnajiga.
- Sideen ku heli karaa koobiga liiska lacag-bixintayda?
- Qof ahaan: Kaalay imaaw xafiiska karraaniga ee guriga maxkamada degmada King County, 516 Third Ave, Qolka E-609, Seattle. Aad miiska xisaabaadka oo codso liiska lacag bixinta. Qiimaha waa 50 senti boggiiba (kaash ama jeeg kaliya lagu bixiyo).
- Boostada:Ku soo dar macluumaadka soo socda marka aad codsanayso liiska lacag bixinta: 1) Lambarka Kiiska, 2) Magaca iyo Cinwaanka, 3) $10.00 oo ah khidmad dhigaal ah, oo loogu talagalay halkii lambar ee kiis, iyo 4) baqshad ku shaabadaysan cinwaanka oo leh lacag boosto ku filan. Codsiga u dir: Xafiiska Karraaniga Degmada King County, Attn: Xisaabinta, 516 Third Ave, E-609, Seattle, WA 98104
- Kharashyada: Debaaji ah $10.00 ayaa looga baahan yahay lambar kasta. Kaliya jeegag laga soo saaray bangiga Gobolka Washington, oo ay ku qoran yihiin magaca iyo cinwaanka bixiyaha oo ku daabacan jeegga, ayaa la aqbali doonaa. Haddii aanad lahayn akoonka bangiga Gobolka Washington, waxa aad soo diri kartaa jeegaga lacagta ama Dalabka Lacagta ee lacagaha US si aad dabaaji ahaan ugu dhigato. Haddii wadarta kharashka ku qoran liiska lacag-bixinta ay ka yar tahay $10.00, lacagta dheeraadka ah ayaa laguugu soo celin doonaa laba toddobaad gudahood.
- Miyaad warbixinta u gudbisaa xafiisyada deynta?
- Xafiiska karraaniga si toos ah warbixin ugama gudbiyaan xafiisyada amaahda; si kastaba ha ahaatee, LFO-yada waxaa diiwaanka maxkamada loo geliyaa sida xukun madani ah. Xukunada madaniga ah waa diiwaan dadweyne waxaana guud ahaan qaadaa xafiisyada amaahda.
Macluumaadka Lacag-bixinta
U BIXI LACAGTA QOF AHAAN
Waxaad kaash ahaan, dalabka lacagta ama jeegga khasnijga ahaan u bixin kartaa lacagta qof ahaan. Lama oggola jeeg shaqsiyeed. Lacagta dalabka ama jeega khasnajiga ku bixi: "Karraaniga King County"
Si aad lacagta ugu bixiso qof ahaan waxaad Isniinta ilaa Jimcaha, 9:00 ilaa 4:30 tagtaa mid ka mid ah Goobaha Xafiiska Karaaniga(tilmaamaha ka hel).
KU BIXI BOOSTADA
Waxaad ku bixin kartaa boostada adigoo isticmaalaya dalabka lacagta ama jeega khasnajiga oo kaliya. Lama oggola jeeg shaqsiyeed. Lacagta dalabka ama jeega khasnajiga ku bixi: "Karraaniga King County"
Dhinaca hore ee dalabka lacagta ama jeegga khasnajiga, ku qor:
- Magacaaga sida uu ugu qoran yahay amarka maxkamadda
- Lambar kiis kasta oo aad lacagta ku bixinayso
- Qadarka $ ee aad ku bixinayso dhinaca ku xiga lambar kasta
Haddii aad rabto in laguu soo diro rasiidka, soo dir baqshad ku qoran cinwaankeeda oo shaabadaysan oo ay la socoto lacag bixintaada.
Lacag bixinta boostada ku dir:
Karraaniga Maxkamadda Sare ee Degmada KingATTN: Lacag-hayeyaasha
5163rd. Ave, Room E-609
Seattle, WA 98104
Iskadiiwaangeli Xusuusinta Lacag-bixinta LFO
Guji HALKAAN (bogga ku lifaaqan lama turjumin.) oo geli lambarkaaga telefoonka ama cinwaanka iimaylka si aad u hesho qoraal bille ah ama farriimaha xasuusinta iimaylka.
Hoos ugu dhaadhac liiska Xafiiska kararaaniga Maxkamadda Sare oo calaamadeey sanduuqa Maxkamadda Sare - Xusuusinta Lacag-bixinada LFO.
Soo gudbi Cusboonaysiinta Cinwaanka eedaysanaha
Foomka cusboonaysiinta cinwaanka bayaanka biilasha LFORiix halkan si aad u bixiso cinwaan boosto oo cusub. FIIRO GAAR AH: Lambarada kiiska ayaa loo baahan yahay.
Translate