TILMAAMAHA CUSBOONEYSIINTA CINWAANKA CODSADAHA MAGDHOWGA (DHIBANAHA)
Si loo hubiyo in Karaaniga Xafiiskiisu awood u leeyahay inuu sii wado dirista wixii lacag celin ah ee la soo celiyo, waxaa lagama maarmaan ah inaad nasoo ogeysiISO wixii ciwaan ah ee la beddelaayo ama haddii magacaaga ama magaca shirkaddaadu is baddeleen. Waxaa lagaa doonayaa inaad keento dukumiintigaan hoos ku qoran: Dukumiintiga waxaa la keeni karaa Xafiiska Karaaniga, Karaaniga xisaabaadka shaqsi ahaan ama boostada. Haddii aad qabto wax su'aal ah waxaad wici kartaa Karaaniga Xisaabaadka adoo ka wacaaya 206-477-0812 maalmaha Isniinta-Jimcaha, 9:00 subaxnimo-12:15 duhurnimo iyo 1:15 duhurnimo- 4:30 galabnimo
Hoos waxaad ka helaysaa liiska dukumiintiga la iska rabo ee aan dooneyno inaan ku cusbooneysiino ciwaankaaga iyo magacaaga.
Badelka Ciwaanka Shaqsiyadeed:
Fadlan bixi kuwaan soosocda:
- Dukumiinti caddeynaaya ciwaankii aad horey u daganeyd
- Dukumiinti caddeynaaya ciwaanka aad hadda degan tahay
- Caddeynta Aqoonsiga (Kani waxa uu sidoo kale noqon karaa caddeynta dukumiintiga ciwaanka haddii uu ku qoran yahay ciwaankii hore iyo kan cusub)
Tusaalaha Dukumiintiga caddeynaaya ciwaanka:
- Jeega mushaarka qaadashada oo uu ku siiyay qofka aad u shaqeynayso
- Bayaanka lacagta baanka ee bilaha ah
- Jeeg la tirtiray oo leh mahaca iyo ciwaanka labadaba
- Biilka adeega (sida, gaaska. korontada, qashinka, biyaha, dabka, taleefoonka, iwm)
- Adeegyada moobeelka ama biilka caymiska nolasha
- Kaarka diiwaanka Codbixiyaha
- Dhaxal, amaah guri, bayaan amaah guri bille ah ama heshiis kiro/ijaar deegaan
- Biilka mulkiilaha guriga/xeerka dib u gelida caymiska
- Bayaanka sanadlaha ah ee Ammaanka Bulshada (Social Security)
- Warbixinta Adeega Dakhliga Gudaha Maraykanka foomka W-2 ama 1099
- Canshuur Celinta Maraykanka ee sanadkii hore
- Rasiidka hantida shaqsiyadeed ama canshuurta guryaha
- Nuqul shahaado ah oo diiwaanada iskuulka ah/qoraal laga soo qaatay iskuul (oo ay soo saartay iskuul ay aqoonsan tahay dowlada Maraykanka, sharci ama dhul)
Tusaalaha Dukumiintiga caddeynaaya aqoonsiga:
- Kaarka Aqoonsiga ama Shatiga darawalnimada
- Kaarka Aqoonsiga Askarta Maraykanka oo leh sawir iyo saxiix
- Baasaboorka Maraykanka- oo aan dhicin, oo leh sawirkaaga iyo saxiixaaga
- Baasaboorka Maraykanka- oo aan dhicin, oo leh sawirkaaga iyo magaacaga
- Aqoonsiga Socdaalka oo leh saxiix
- Aqoonsiga Socdaalka oo saxiixan saxna ah oo ansax ah, kana socda Adeegyada Dhalashada iyo Socdaalka Mareykanka (USCIS)
- Shahaadada Mareykanka ee Jinsiyadda ama Dhalashada - oo aan dhicin lehna saxiixaaga iyo sawirkaaga
- Shatiga darawalnimada dal kale- oo aan dhicin ama dhacay muddo kayar 60 maalmood, oo leh astaamaha amaanka iyo kuwa lagu xaqiijin karo
- Baasaboor dal kale- oo aan dhicin oo leh istaamta Mareykanka iyo Ilaalinta Xuduudaha ansax ah oo la shaabadeeyay (USCBP)
- Kaarka aqoonsiga isdiiwaangalinta qabiilka
- Waa inuu noqdaa kaarka is-qoritaanka Hindida oo ay aqoonsan tahay dawlada Maraykanka ama Kaarka Aqoonsiga ee Arimaha Hindida Mareykanka
- Waa in uu leeyahay saxiixaaga iyo sawirkaaga
- Magaalada Washinton ama kaarka aqoonsiga shaqaalaha booliska ah- oo leh sawirkaaga iyo saxiixaaga
- Kaarka shaqaalaha federaalka iyo kuwa gobalka- oo aan dhicin muujinaayana sawirkaaga iyo saxiixaaga
Badelka Ciwaanka Shirkada:
Waxaan u baahanahay warqad aan ku codsaneyno badelka ciwaanka warqadda madaxa ee shirkadda oo uu ku saxiixan yahay shaqaale oggolaansho haysta oo shirkadda ka tirsan. Warqadu waa inay leedahay lambar tixraac oo muujinaaya kiiska. (Warqaddu waxay u baahan tahay inay ka timaado shirkadda lagu magacaabay amarka celinta, shirkadaha xisbiga 3aad ma codsan karaan iyagoo ka wakiil ah macmiilkooda.)
Shaqsiga ama badelka magaca shirkada:
Isbaddel kasta oo lagu sameeyo magaca qofka qaata magdhowga waxaa lagu cusbooneysiin doonaa dukumiintiyo la xaqiijin karo, sida amar furiin, badelista magaca sharciga ah, iwm.
Dukumentiyada loo baahan yahay ee kor ku xusan keen ama ku soo dir boostada:
King County Courthouse(Maxkamadda Degmada King County)
516 Third Ave., Rm. E-609, Attn:Accounting
Seattle, WA 98104
Ku soo dir boostada: Fadlan kudar warqad rasmi ah oo ay la socdaan macluumaadkaan soosocda:
- Nooca badelka aad codsanayso
- Cinwaan iyo magaca
- Lambarada Telefoonka lagaala xariiraayo
- Lambarka(lambarada) kiiska
Haddii aadan awoodin inaad keento dukumiintiyada loo baahan yahay, amar ka socda maxkamadda ayaa loo baahan doonaa in la galo iyadoo la faraayo karraaniga inuu baddelo magaca ama cinwaanka qofka qaata (dhibanaha). Si aad u hesho caawimaad, la xiriir Qeybta Caawinta Dhibanaayasha ee Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud:
Isniinta-Jimcaha, 8:30 am- 4:30 pm
Seattle፡ (206)477-3743
Kent: (206) 477-3757
Dhalinyarada: (206) 296-8871
Translate