Skip to main content

La Kulan Agaasimaha

Julie Wise

Julie Wise waxaa loo doortay Agaasimaha Waaxda Doorashada Degmada King bishi Nofeembar 2015. Degmada King waa degmada 13aad ee ugu weyn dalka waxaana ka diiwaan gashan ku dhawaad 1.4 milyan oo codbixiyeyaal ah waana mid kamid ah maamulada ugu waaweyn dunida ee ku codeeya boostada. Labaatankii sano oo ay u adeegaysay codbixiyeyaasha Degmada King iyadoo ahayd maamulaha doorashada, Julie waxa ay hormuud u ahayd kordhinta helitaanka iyo amniga doorashooyinkeena.

Maamule doorasho oo gobol iyo qaran ahaan shahaadeysan, Wise waxaa heerar badan loogu aqoonsaday wax ku biirinteeda Doorashooyinka, oo ay ku jiraan: Abaalmarinta Rocky Kim Pioneer ee Isbahaysiga Kuuriyada Ameerika ee Washington, Abaalmarinta Dimuqraadiyadda Xarunta Doorashada qaranka, 2019 Hagaaji Dimuqraadiyadda Masuulka Ugu Horreeya Ee La Doorto Sanadka, iyo Abaalmarinta Wacyigelinta Codbixiyayaasha ee 2017 ee ka socotay Xoghayaha Gobolka.

 

U jiheysan in meesha laga saaro caqabadaha iyadoo mudnaanta la siinayo saxnaanta, amniga iyo daah furnaanta, Wise waxa ay dabagal ku samysay dib-u-habeyno muhiim ah iyo xalal hal-abuurnimo leh. Waxa ay balaarisay wacyigelinta iyo waxbaridda codbixiyaha, iyada oo helitaanka codbixiyaha kor ugu qaadeysa Sanduuqa Waxbarashada Codbixiyaha, oo ah iskaashi samafal dadwayne oo noociisa aanan horay loo arag kaas oo lacag siiya ururada bulshada ee sameeya waxbarashada aasaasiga ah ee codbixiyayaasha iyo shaqada ka qeyb qaadashada ee bulshooyinka aan loo adeegin. Wise waxa ay si weyn u ballaarisay Sanduuqyada lagu rido warqadaha codbixinta oo ay ka soo bilowday 10 ilaa 70 waxa ayna ku guulaysatay inay ku darto laba luuqadood, oo ku siinaya helitaanka adeegyada doorashada iyo agab codbixin oo dhamaystiran wadar ahaan shan luqadood. Ololeheeda ay ku dooneysay isticmaalka bakhshado wata shaabado lacagtooda hore loo bixiyay ee Doorashooyinka Degmada King ayaa horseeday tallaabo gobolka oo dhan ah taas oo keentay in dhammaan codbixiyayaasha Washington hormaris looga bixiyo khidmada boostada.

Related Topics

expand_less