Skip to main content

Amniga iyo La Xisaabtanka

Doorashooyinka Degmada King waxay leedahay dhawr tallaabo oo heer sare ah oo u diyaarsan amniga doorashada waxayna la shaqeysaa kooxo rasmi ah iyo la-hawlgalayaasha bixiya kormeerka si loo hubiyo in habka tirinta uu yahay mid sugan.

Dadweynaha waxaa lagu casuumayaa inay soo indha-indheeyaan hannaanka ay wax u socdaan. Inta doorashada lagu jiro, soo booqadeyaasha waxay xor u yihiin inay ku dhex socdaan “wareegga” xafiiska Doorashooyinka halkaas oo ay ka daawan karaan heerka ay warqadda codbixintu mareyso, laga soo bilaabo wakhtiga ay soo gasho kala soocaha warqadaheena boostada ilaa marka lagu iskaan-gareeyo nidaamka shax-u-sameynta.

Goobjoogeyaasha ka kala socda labada xisbi siyaasadeed waxaa laga codsadaa inay goobjoog ahaadaan doorasho kasta si ay hubin dheeraad ah ugu noqoto kormeerka iyo isla xisaabtanka. Haddii aad rabi lahayd inaad goobjooge noqoto, fadlan la xiriir xisbi siyaasadeedka aad xiriirka la leedahay. Doorashooyinka waxaa sidoo kale la socda oo si rasmi ahna dib-u-eegis si mar mar ah ugu sameeya xafiiska Xoghayaha Gobolka .  .

Guddiga La Socodka Doorashada ee Muwaadiniinta waxa uu la socdaa doorashooyinka degmada wuxuuna ka talo bixiyaa arrimo kala duwan. Guddiga ka kooban 14-ka xubnood waxaa doorta Golaha Degmada waxaana ku jira wakiilo ka kala socdo gobolka, degmada, xisbiyada iyo ururada.

Canvassing Board, with representatives from the County Council and Prosecutor’s Office, meets throughout each election to review challenged ballots and certify results. The Canvassing Board schedule is posted for each election. Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka oo leh wakiilo ka kala socdo Gollaha Degmada iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha, ayaa guud ahaan kulma doorasho kasta si ay dib-u-eegis ugu sameeyaan warqadaha codbixinta ee la xujeeyay waxayna shahaadeeyaan natiijooyinka. Jadwalka Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka ayaa la soo dhejiyaa doorasho kasta.

Warqad codbixin kasta oo lagu soo celiyo soona gaarta Doorashooyinka Degmada King waxaa lagu tiriyaa dhowr meelood inta lagu jiro socdaalkeeda kala habeynta. Shaqaalaha doorashada waxay maalin walba hubiyaan isbarbardhigga oo ay ula xisaabtamaan warqad codbixin kasta oo dhismaha kujirta. Hannaankaan hubinta isbarbardhigga wuxuu noo oggolaanayaa inaan si sax ah u oggaano halka warqad codbixin kasta ay mareyso, inaan raad-raacno isbeddellada iyo qaababka, iyo in aan aqoonsano oo aan xalino wixii arrimo ah ee imaan kara. Doorasho kasta si buuxda ayaa la iskugu barbardhigaa shahaadaynta ka hor waxaana warbixinada hubinta isbarbardhigana doorasho kasta laga helayaa bogga natiijooyinka. Doorashooyinka Degmada King waxay doorasho kasta leeyihiin taariikh dheer oo hubinta isbarbardhigga ah oo dhammaystiran iyada oo aanay jirin wax farqi ah ama warqado codbixin ah oo aan la xisaabin.

Tallaabooyinka amniga ee heerka sare

Dhawr tallaabo oo ka mid ah amniga doorasho kasta:

  • Warqadaha codbixinta iyo aagaga kala habeynta warqadaha codbixinta waxaa lagu ilaaliyaa kaarka furaha ee gelitaanka iyo koontaroolada suulka la saaro ee hubinaya faraha.
  • Dhammaan shaqaalaha, goobjoogeyaasha, soo booqadayaasha iyo warbaahinta waa in warqad aqoonsi loo sameeyo oo ay marwalba xirnaadaan calaamaddaas aqoonsiga. Xargaha qoorta ee midabada macnaha wata leh ayaa u oggolaanaya in si degdeg ah loo aqoonsado aagaga amniga ee loo oggol yahay.
  • Shaqaalaha iyo goobjoogeyaasha xisbiyada waxay ka qeyb galaan Tijaabinta Caqli-galnimada iyo Saxnaanta si loo xaqiijiyo in qalabku si sax ah u shaqeyn doono marka loo diyaar garoobayo doorasho kasta.
  • In ka badan 50 kaamaro oo amniga ah ayaa kormeera dhismaha 24 saac maalintii.
  • Nidaamyada digniinta dhismaha ayaa ku xiran albaabada iyo meelaha ammaankoodu sareeyo.
  • Isku dubbaridka amniga goobta iyo warqadda codbixinta ee lala leeyahay Xafiiska Shariifowga.
  • Warqadaha codbixinta waxa ay leeyihiin nidaamka kooxeynta iyo raad-raaca.
  • Habka silsiladda rasmiga ah ee gacan ku haynta waxa uu gacan ka geystaa dhammaan dhaqdhaqaaqyada warqadaha codbixinta.

Related Topics

expand_less