Skip to main content

Buug-yaraha Codbixiyeyaasha

Degmada King waxay daabacdaa Buug-yaraha Codbixiyeyaasha Deegaanka oo ka kooban macluumaadka musharaxa iyo cabbirka sharciga. Doorashooyinka Degmada King waxba kama beddelaan mana hubiyaan xaqiiqda bayaannada musharaxa ama cabbirka sharciga, oo mas'uul kama aha mawduucyadooda.

Sideen ku heli karaa buug-yaraha codbixiyeyaasha deegaanka?

Eeg sanduuqaaga boostada! Buug-yaraha Codbixiyeyaasha Deegaanka ayaa waxaa loo diraa dhammaan guryaha qoysaska degan Degmada King 3 toddobaad ka hor doorashada.

 Waxaad sidoo kale saddex hab Buug-yaraha Codbixiyeyaasha Deegaanka uga heli karto oonleenka:

Ma jiraan qaabab beddelaad ah oo la helo karo?

Qaababka kale ee Buug-yaraha Codbixiyeyaasha Deegaanka (sida nooca maqalka ah) ayaa la heli karaa marka la codsado. Nala soo xiriir haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah.

Waa maxay sida ay u kala horeeyaan musharaxiinta ku jira buug-yaraha codbixiyeyaasha deegaanka?

Musharaxiinta ku jira buug-yaraha codbixiyeyaasha deegaanka waxay u muuqdaan siday u kala horeeyaan oo ay uga soo muuqan doonaan warqadda codbixinta.

Waa maxay bayaanka sharaxaadda?

Bayaan sharaxaadda cabbirka sharciga ee warqadda codbixinta waxaa diyaariya qareenka degmada; waxayna qeexaysaa saameynta uu cabbirka sharciga ee warqadda codbixintu yeelanayso haddii sharci ahaan loo ansixiyo.

Bayaannada musharaxiinta xaqiiqdooda ma la hubiyaa ka hor intaan la daabicin?

Maya. Doorashooyinka Degmada King mas'uul kama aha nuxurka ama xaqiiqda bayaannada, waxaana u daabacnaa sida dhabta ah ee ay nagu soo gaareen (oo ay ku jiraan wixi khaladaad ah). Xadka kelmadda bayaanka musharaxa waxay ku salaysan yihiin tirada codbixiyeyaasha ee degmo kasta.

Waa maxay sababta ay cabbirada sharciga ugu jiraan buug-yaraha codbixiyeyaasha deegaanka ah kuwaas oo aan ku jirin warqaddayda codbixinta?

Cabbirada sharicige ee ku qoran warqaddaada codbixinta waxay ka tarjumayaan degmooyinka aad ka diiwaan gashan tahay inaad ka codeyso. Buug-yaraha codbixiyeyaasha deegaanka ayaa laga yaabaa inuu xuso degmooyin badan oo ay ku jiraan cabbiro sharciyeed oo ka baxsan degmooyinkaaga.

Waxaad samayn kartaa buug-yare gaar ah oo leh Macluumaadkeyga codbixiyaha oo ka koobnaan doona oo keliya musharaxiinta iyo cabbirada sharciga ku jira warqaddaada codbixinta.

Sidee loo sameeyaa guddiyada taageersan, ama ka soo horjeeda, cabbirka sharciga?

Degmooyinka dooranaya inay ka qayb qaataan buug-yaraha codbixiyeyaasha deegaanka ayaa mas'uul ka ah magacaabista xubnaha guddiga ee oggolaada inay qoraan bayaannada. Bayaannadu waa hab lagu qanciyo codbixiyeyaasha inay u codeeyaan ama diidaan cabbirka sharciga. Doorashooyinka Degmada King mas'uul kama aha nuxurka ama saxnaanta bayaannada, waxayna u daabacdaa sida dhabta ah ee ay ku soo gaarto.

 

Related Topics

expand_less