Skip to main content

South Link Connections

AHadba marka uu Link Light Rail uu usii gudbo koonfurta hoose kuna leh boosteejooyin Kent/Des Moines, Star Lake, and Federal Way barnaamijka dhaqdhaqaaqa South Link Connections wuxuu ka jawaabi doonaa baahiyaha korna u qaadi doonaa doorarka isku socodka bulshooyinka South King County. Hay’adda bassaska waxa ay wadashaqayn la yeelan dontaa Sound TransitWaxay ku furmaysaa tab cusub Ayadoo wadada tareenka ee Link light ay ku sii faafayso dhanka koonfurta ayadoo saddex boosteejo oo cusub laga sameeyay Kent Des Moines, Star Lake iyo Downtown Federal Way, mashruuca South Link Connections wuxuu diirada saarayaa inuu hormariyo dookhyada gaadiidka ee bulshooyinka ku dhaqan South King County. Metro ayaa kala shaqeynaysa

Guudmarka mashruuca

Isla marka la gaaro 2026, Sound Transit ayaa gaarsiin doonta Link light rail koonfurta ayadoo ku daraysa sadex boosteejo oo cusub: Kent Des Moines, Star Lake iyo Federal Way Downtown. Isbadello lagu sameyn doono basaska ST Express ee aaga ayaa sidoo kale dhici kara.

Si ay ugu diyaar garoowdo isbadeladaan loona abuuro shabakad gaadiidka oo si fudud lagu heli karo oo waxtar u leh qof kasta, Metro ayaa billoowday mashruuc laga sameynaayo South King County si kor loogu qaado gaadiidka deegaannada Algona, Auburn, Burien, Des Moines, Federal Way, Kent, Normandy Park, Pacific, SeaTac, Tukwila iyo qaybo kamid ah deegaannada miyiga ah ee King County. Mashruucaan ayaa abuuri doona shabakad gaadiid cusub oo ku xiraysa basaska Metro wadada Link light rail, basaska ST Express iyo adeegyada Pierce Transit ee King County. Metro ayaa la shaqeynaysa Sound Transit iyo wakaaladaha kale ee gaadiidka iyo magaalooyinka kale dedaalkaan. Shabakada cusub ee gaadiidka ayaa la samayn doonaa isla waqtiga boosteejooyinka cusub ee Link light rail furmayaan.

Yoolalka mashruuca

  • Kor u qaadista dookhyada gaadiidka ee bulshooyinka muhiimada la saaraayo (sida lagu cadeeyay xeerarka la dejiyay ee Metro).
  • Kala hadlida iyo ku wargelinta bulshada isbadellada gaadiidka.
  • Bixinta adeegyada iskudhafan ee buuxinaaya baahiyaha bulshada.
  • Kor u qaadista waxtarka guud iyo ilaalinta bii'ada ee shabakada gaadiidka.

Qeeixtaanno kooban

Adeegga marin cayiman oo leh dookhyada soo qaadista iyo gayn rakaabka meelaha ay dalbadaan ee gaarka ah ee aagooda. Caadiyan waa bas yar.

Tirada daqiiqadaha u dhexeeya safarada baska.

Adeegaan baska ee loo muddeeyay inay socdaan ku dhawaad 15 daqiiqo kasta ama ka fiican laga bilaabo 6 am ilaa 7 pm maalmaha Shaqada, iyo 30 daqiiqo kasta ama ka fiican ee fiidadka iyo maalmaha dhamaadka asbuuca.

Adeegga gaadiidka oo la dalbado kaas oo iskaga kala goosha xaafadaha kaladuwan ee King County. Dadka rakaabka ah ayaa muddeysan kara safarada ayagoo adeegsanaaya abka taleefanka ee Metro Flex ama ayagoo wacaaya laynka boos qabsashada.

Adeegga gaadiidka ee shaqeeya inta lagu jiro wakhtiyada safarada saxmada badan (laga bilaabo 6 ilaa 9am iyo laga bilaabo 3 ilaa 7pm maalmaha shaqada ee asbuuca).

Xubnaha bulshada Madowga ah, Asalka ah iyo kuwa aan cadaanka ahayn; danyarta ah ama aan waxba haysan; soo-galooti ama qaxootiga ah; naafo ah; ama luqad ahaan kala duwan.

Sound Transit

Dhammaan noocyada gaadiidka dadwaynaha ee aaga oo ka wada shaqeeya ka caawinta dadka inay safraan. Tan waxaa ku jira adeegyada baska, xadiidka, tareenka, adeegyada kaladuwan, iwm.

Ahmiyadaha isku socodka ee mashruuca

Metro ayaa fikradaha bulshada ku uruurisay qaabab badan Wajiga 1 aad waxayna kala shaqeysay Gudiga Iskusocodka si muhiimada loo saaro shan aag oo muhiim ah oo hoose. Metro ayaa u adeegsatay ahmiyadahaan si ay u faahfaahiso shabakada gaadiidka ee Wajiga 2 aad.

Adeegga gaadiidka oo balaaran

Kor u qaadista adeegga aalaseyda hore iyo xiliga habaynkii

Wakhtiyada safarka oo boobsiis ah gudaha iyo banaannada aaga mashruuca

Waddooyinka la casriyeeyay ee bariga iyo galbeedka

Kordhinta adeegga maalmaha fasaxa asbuuca, gaar ahaana maalmaha sabtida

Metro ayaa sii wadi doonta inay kala shaqeyso iskaashatadeena baahiyaha kale ee la aqoonsaday ayna ku jirana:

  • Joogtaynta iyo hormarinta adeegyada joogtada ah ee baska.
  • Kor u qaadista adeegga duhurkii inta lagu jiro maalmaha shaqada ee asbuuca.
  • Fududeynta kala wareegga gaadiidka ka dhex shaqeeya aaga mashruuca South Link Connections.
  • Kor u qaadista badqabka iyo raaxada gaadiidka ee boosteejooyinka iyo basaska/tareenada.
  • Kordhinta isku halaynta iyo safarada wakhtigooda ku baxaaya.

Soo jeedinta shabakada Wajiga 2 aad

Metro ayaa adeegsatay ahmiyadaha kore, farsamooyinka ugu wanaagsan si ay u naqshadeyso adeegga iyo tixgelinnada sinaanta si loo soo jeediyo isbadello lagu sameeyo shabakada gaadiidka ee South King County.

Qodobbada muhiimka ah ee soo jeedinta Wajiga 2

  • Marinnada cusub ee gaadiidka: Ku darista wadooyin cusub boosteejooyinka tareenka Link light ee mustaqbalka.
  • Adeegga maalita oo dhan: Maal gelinta marinnada baska shaqeeya maalin oo dhan, maalin kasta, ayadoo la kordhinaayo 30% gaadiidka subaxa hore iyo safarada xili danbe habaynkii maalmaha shaqada ee asbuuca, halka la kordhinaayo 53% safarada maalmaha fasaxa asbuuca.
  • Adeegga cusub ee maalmaha fasaxa asbuuca: Adeegga cusub ee maalmaha Sabtida iyo Axadda ee Burien iyo adeegga cusub ee maalmaha Axadda inta u dhexaysa Kent iyo Federal Way. Shabakada Wajiga 2 aad ayaa bixinaysa 35% safaro dheeri ah maalmaha Sabtida iyo 75% safaro dheeri ah maalmaha Axada marka loo eego adeegyada hadda.
  • Adeeg la horumariyay ee bari-galbeed: Kor u qaadista marinnada muhiimka ah ee dhammaan aaga, ayna ku jiraan:
    • Adeegga Joogtada ah ee cusub oo isku xiraaya Highline College, Kent Station iyo Green River College.
    • Adeegga Joogtada ah ee ka shaqeeya inta u dhexaysa Twin Lakes Park & Ride, Federal Way Downtown Station iyo Auburn Station.
  • Adeegyada la dalbado: Ka bilaabista adeegyada tijaabada ah ee Metro Flex ee la dalbado aagaga Federal Way iyo Auburn si dad badan loogu xiro gaadiidka.
  • Adeegga boobsiiska ah: Casriyaynta marinnada baska ee iskaga kala goosha West Federal Way iyo Downtown Federal Way si looga dhigo khadkaan mid boobsiis ah, toos ah oo ay fududahay in la raaco.
  • Isbadelada marinka: Meesha ka saarida qaarkood marinnada isku xira South King County iyo Downtown Seattle si:
    • Looga fogaado adeegyada ay isku aaga tagayaan Link light rail.
    • Dib u maal gelinta khayraadka marinadaan si kor loogu qaado adeegyada maalinta oo dhan ee ku xiraaya dadka Link light rail.
Khariidadda aagga shabakadda la soo jeediyay ee South Link Connections..

Taabo ama dooro khariidada si aad u weyneyso oo u sahamiso shabakadda la soo jeediyay, ama fiiri isbarbardhigga shabakadda hadda jirta.

Isbadellada adeegga oo lagu saleeyay nooc

Adeeg Cusub

164, 166, 186, balaarinta Federal Way Link, tijaabada South Auburn Metro Flex, Tijaabada Federal Way Metro Flex

Adeeg la horumariyay

181, 183, 631, 903, A Line

Adeegga wax laga badelay

156, 162, 182, 187, 193

Marinnada la joojiyay

121*, 122*, 123*, 154*, 157*, 165, 177, 179*, 190*, 197*, 901

* Wadooyinka hadda la hakiyay / aan shaqaynayn.

Isbadellada adeegga oo lagu saleeyay aag

Mashruuca South Link Connections ayaa loo qaybiyay labo aag: waqooyiga iyo koonfurta. Aagga waqooyiga waxaa ku jira Burien, Des Moines, Kent, Normandy Park, SeaTac iyo Tukwila. Aagga koonfurta waxaa ku jira Auburn, Algona, Federal Way iyo Pacific. Si aad xog dheeraad ah uga ogaato isbadellada lagu taliyay ee aagaaga, guji batoonnada aaga waqooyiga iyo aaga koonfurta ee hoose.

Hanaanka iyo Xilliga u socon doono

  • Maarso ilaa abriil 2024

    Wajiga 1-aad Qiimeeynta Baahida

    Inta lagu guda jiro hawgelintaan wajiga koowaad, Metro waxa ay baahisay xog ku saabsan xajmiga iyo higsiga mashruuca. Waxaan xog ku saabsan baahiyaha adeegga ku helnay dib u eegista xogta jirtay iyo warbixinnada kasoo baxay fikir uruurinnada dhawaan la sameeyay, waxaan fikir toos ah ka helnay xog aruurinnada, wada hadallada iyo ururada bulshada u adeegga (CBOs), iyo fikrado aan ka helnay Gudigeena Dib u Eegista iyo Gudigeena Isku socodka. Waxaan qiimeyn ku sameynay fikradaha si aan u helno mawduucyo guud waxaana kala shaqeynay Gudiga Iskusocodka si aan u aqoonsano ahmiyadaha ugu waawayn. Muhiimadahaan ayaa gacan ka gaysan doona qaabaynta qorshaha adeegga qabyo qoraalka ah, kaasoo loosoo bandhigi doono fikir uruurinta bulshada ee wajiga labaad. Waxaan eegnay fikradaha, waxaan helnay mawduucyo guud, waxaana kala shaqeynay Gudiga Iskusocodka si loo aqoonsado muhiimadaha ugu wayn kuwaasoo naga caawiyay abuurista qabyo qoraalka khadka si dadku fikrado uga dhiibtaan inta lagu jiro fikir uruurinta Wajiga 2 aad.

  • Jiilaalka 2024 ilaa 2025

    Wajiga hadda

    Wajiga 2-aad: Fikradaha adeega

    Inta lagu jiro wajiga labaad ee fikir uruurinta Metro ayaa shaacin doonto isbadellada marinka ee lasoo jeediyay ayadoo lagu saleynaayo fikradaha lagu uruuriyay Wajiga 1 aad. Waxaan uruurin doonaa fikrado ku aadan isbadelada lasoo jeediyay si fahan fiican aan uga helno muhiimadaha bulshada iyo sida ay u hagayaan isbadello kasta oo lagu sameeyo qorshaha. Si aan ugu sheegno dadka sida ay fikirkooda u dhiibanayaan, waxaan uruurin doonaa fikradaha xog uruurinta, kulannada tooska ah iyo wada sheekaysiyada aan ka qaadno Ururada Bulshada U adeegga (CBO). Waxaan samayn doonaa ol-olaha baraha bulshada, waxaan qornaa boostiyada maqaallada oo ku baxaaya luuqadaha, waxaan xayiisiino ku samaynay warbaahinta kaladuwan, Transit Alerts, RiderAlerts, boorar aan ku dhajinay basaska waxaana xogta ku baahinay luuqado badan oonleenka iyo waraaqaha.

  • Xagaaga 2025

    Wajiga 3-aad: Soo jeedinta adeega

    Wajiga ugu danbeeya ee hawlgelinta, Metro ayaa usoo bandhigi doonta dadweynaha qorsheyaasha adeegga wax laga badelay, oo sharraxaya sida talada bulshada oo ka imaanaya Wajiga 2 aad ay saameyn ugu yeesheen cusbooneysiintaan. Waxaan uruurin doonaa fikrado ku aadan sida kor loogu qaadi karo qorsheyaasha kahor soo gabo-gabayntooda. Waxaan sidoo kale soo khulaasayn doonaa wajiyada hore ee mashruuca, waxaan sharaxi doonaa sida fikradaha bulshadu u hageen qorshaha kama danbaysta ah waxaana ka hadli doonaa talaabooyinka xiga.

Hawl gelinta Bulshada

Anagoo adeegsanayna hanaanka fikir uruurinta gaarka ah ee hufan ee sadexda waji ah ee bulshada, Metro ayaa meesha ka saaraysa caqabadaha waxayna bixinaysaa fursado ay helayaan bulshooyinka South King County ay ku muujiyaan baahiyahooda gaadiidka ayna door macno leh ugu yeeshaan isbadellada marinka ee Metro. Metro ayaa la shaqeysa bulshooyinka maxaliga ah, gaar ahaana bulshada muhiimada la saaraayo kuwaasoo awal laga reebi jiray wada hadallada go'aan gaarista saamayn xunna ay kasoo gaartay go'aanadaan, ayadoo adeegsanaysa qaababka macnaha badan, isku dhafan ee bulshadu hagayso. Waxaan ka wada shaqeynaa faahfaahinta, uruurinta fikradaha, qiimeynta iyo go'aaminta isbadelllada ugu wanaagsan ee wadada ee bulshooyinka South King County.

Xilliga wajiga 1 aad, Metro waxa ay samaynaysaa Guddi isu Socodka tareenka isku xirka koonfurta South Link Connections kaaso wakiil ka ah aagga mashruuca oo si siman u metelaya dadyoowga taariikhiyan laga reebay wada-hadallada go'aan-qaadashada ee la xidhiidha gaadiidka iyo kuwa ay si aan iskumid lahayn u saameeyay go'aamadan. Doorka koowaad ee Guddiga Iskusocodka waa inay la shaqeeyaan shaqaalaha Metro si loo horumariyo oo loo sii lafa-guro isku-xidhka gaadiidka ee South King County.

Intii lagu jiro hanaanka fikir uruurinta, Metro ayaa la kulmaysa saamileeyda banaanka kuwaasoo ah gudiga dib u eegista qorshaha, oo loo yaqaano Gudiga Iskaashatada Dib u eegista. Guddiga waxaa kamid ah wakiilo kasocdo maamullada sharciga ee maxaliga ah iyo machadyada waaweyn ee kujira aagga mashruuca, hogaamiyayaasha ururada bulshada, iyo wakiilo kasocdo iskaashatada hay'adaha gaadiidka. Doorka koobaad ee Partner Review Board waa inay dib-u-eegis kusameeyaan oo ayna faallo kabixiyaan fikradaha adeegga ee ay soo saareen Mobility Board. Haddii ururkaagu uu ka shaqeeyo aaga adeegga uuna xiiseynaayo inuu ku biiro Gudiga Dib u eegista Iskaashatada, fadlan buuxi foomkan gaaban ee xog uruurinta halkaan.

Dib u eegidda Dhaqangalka Sinnaanta

Mashruuca South Link Connections waxaa ku jiri doona daraasadda Dib-u-eegista dhaqangalka Simidda (EIR) si loo hubiyo in isbeddelka marinka ee la soo jeediyay ay sii wanaajineeyso iskusocodka iyo marin u helka gaadiidka dadka taariikh ahaan aan si buuxda loogu adeegi jirin ee Degmada King. Waji kasta oo ka mid ah habka qorshaynta, Metro waxay dib u eegi doontaa xogta farsamada iyo natiijooyinka kulamadii dadka mudnaanta leh si ay u fahmaan saameynta la filayo ee bulshooyinka aan la daboolin ayna ogeysiiyaan go'aamada qorsheynta.

Falanqaynta EIR, jawaab celinta kullamada bulshada, iyo qaabaynta adeegga ugu wanaagsan ayaa dhammaan wargelin doona isbeddellada la soo jeediyay ee mashruuca South Link Connections. kulamada dadweynaha iyo soo koobidda EIR-ka waxa lagula wadaagi doonaa dhammaadka weji kasta oo kulamada ah iyada oo la raacayo nidaamka iyo qaybta Jadwalka ee kor ku xusan.

Madbacada macluumaadka

Macluumaadka wajiga 1-aad

Macluumaadka wajiga 2-aad

Macluumaadyo dheeri ah

Nala soo xiriir

Fadlan nagula soo xiriir luuqada aad doonta adigoo inoogu soo diraya emeel: haveasay@kingcounty.gov

SIsdiwaangali si aad u hesho wixii soo kordha

Hel wixii iska sootara mashruuca iyo ogeysiisyada ku saabsan kulamada iyo balamada muhiimka ah. Si aad isu diiwaan geliso, geli macluumaadkaaga xidhiidhka Haddii aad wax su'aalo ah ka qabto adeeggan,

expand_less